SO | EN

In ka badan 70 xildhibaan oo ka hor yimid damaca Xasan Sheekh ee Dastuurka cusub

|

MUQDISHO (KAAB TV) – In ka badan 70 oo xildhibaan oo ka tirsan Labada Gole ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ka digay cawaaqib xumo ka soo socota sameynta wax ay ku sheegeen dastuur cusub oo la doonayo in lagu bedelo Dastuurka qabyada ah.

Xildhibaanada oo kulan ku yeeshay Muqdisho caawa oo Isniin ah ayaa sheegay in haddii qorshaha aan loo dhameyn ee hadda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu kaligiis wato ee lagu bedelaayo dastuurka lagu sii socdo ay ka dhalan doonto inay dhaawacanto midnimada iyo wadajirka Soomaalida.

Xildhibaan Yuusuf Xuseen Axmed Gama’diid oo warbaahinta u akhriyay war saxaafadeed wadajir ah oo ay soo saareen xildhibaanada ayaa daaha ka qaaday qorshe qarsoodi ah oo dastuur cusub lagu sameynayo.

“Waxaan walaac xoog leh ka qabnaa habka iyo hannaanka loo bedelayo dastuurkii iyo qaab dhismeedkii dowladeed ee heshiiska lagu ahaaye,” ayuu yiri xildhibaan Gama’diid oo akhriyay war saxaafadeedka.

DASTUUR CUSUB MAYA

“In waxa la wado uu yahay dastuur cusub waxaa caddeyn u ah waxaa wax laga bedelay 45 qodob iyo 97 faqradood. Waxaa lagu soo kordhiyay 19 qodob iyo 94 faqradood oo aan ku jirin asalkii Dastuurka,” ayuu yiri Xildhibaan Gama’diid.

Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab.

Mudanayaashu waxay ku eedeeyeen guddoonka barlaamanka inuu ku guuldareystay dhowrista kala madax-bannaanida hay’adaha dowladda oo aan gebi ahaanba hadda jirin.

Waxay sheegeen in Golaha Wadatashga go’aanadii ka soo baxay ee hadda lagu saleeyay beddelidda Dastuurka aysan ansax ahayn oo aan la dhameyn, maadaama ay ka maqneyd Puntland.

Waxay sheegeen in rabitaanka cid gaar ah la raacay iyadoo laga booday rabitaanka bulshada inteeda badan.

Waxay sheegeen inaysan jirin hab la isku raacsan yahay oo wax looga bedelayo Dastuurka, sidaa darteedna ay qasab tahay oo kaliya Dastuurkii la isla oggolaa.

Waxay tibaaxeen in jadwalka loo asteeyay wax ka beddelka Dastuurka uusan ahayn mid u qalma oo deg deg uu ku jiro.

Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad.

Waxa kaloo kulanka ka hadlay Xildhibaan Cabdisalaan Dhabancad oo sheegay in hawsha Dastuurka aan la isku raacsaneyn, laguna diiday madaxweyne Xasan Sheekh.

“Dadka aad soo dirsatay ee hawsha faraha kula jira u sheeg ha joojiyeen,” ayuu yiri Dhabancad.

Xildhibaan Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab ayaa isaguna sheegay in gebi ahaanba Dastuurkii hore la tuuray oo mid cusub la keenay, taasina ay diidan yihiin.

Xildhibaan Marwo Bashiir ayaa ka digtay in waddada hadda lagu socdo ay keeni karto in Soomaalida khilaafku ragaadiyay sii kala tagto oo aysan dib isugu soo laaban.

Waxay ku baaqeen in la joojiyo hawsha deg degga ku socoto ee beddelidda Dastuurka ee ay hormuudka ka yihiin kooxda Xasan Sheekh.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News