SO | EN

SO | EN

Ingiriiska oo soo Jeediyay in Somaliland iyo Khaatumo ay Maxaabiista is waydaarsadaan

|

UK (KAAB TV) -Dowlada Ingiriiska ayaa ku baaqday in laga shaqeeyo sidii nabad waarta ay uga dhex dhalan lahayd Somaliland iyo SSC Khaatumo.

Safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya, Mike Nithavrianakis, oo la kulmay guddida nabada ee uu dhawaan magacaabay Madaxweyne Cirro, ayaa soo jeediyay talooyin lagu heli karo nabad waarta.

“Waxan la kulmay guddida nabada ee dhawaan la sameeyay, nabad waarta waa in ay ku bilaabantaa maxaabiista oo la is waydaarsado, isku furka wadooyinka ganacsiga, iyo xoojinta xidhiidhka labada shacab” ayuu yidhi Nithavrianakis.

Madaxwwynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa dhawr jeer sheegay in ay ka go’antahay in uu colaada kala dhaxaysa SSC Khaatumo ku wajihi doono nidaam wadahadal iyo wadaxaajood ku dhisan.

Guddida nabada ee dhawaan la magacaabay oo ka kooban 7 xubnood ayaa iyagana shaqadoodu tahay xal u helista dhibaatooyinka iyo adkaynta nabada.

Waxa kale oo jira dadaalo nabadeed oo ay wadaan salaadiin ka timid Dowladda Deegaanka Soomaalida, kuwaasi oo socdaal ku tagay Hargaysa iyo Laascaanood, isla markaana doonaya in ay isku soo dhaweyaan labada dhinac.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News