SO | EN

SO | EN

Inna mari!

|

Berigii aad yarad ee lagu baray in noloshu baqdin tahay, berigii qof kaste oo kaa weyn, xaqa u lahaa in uu ku dilo. Berigii aad miyiga joogtay ee aad adhiga la waraabka ahayd. Berigii aad geela la daaqa ahayd, berigii dadku reerkiina ahaa, ee reerkiinu dadka ahaa. Berigii odayga lagu siiyay; kii aad ka baxsatay, berigii noloshu ma joogto! Dadkii ku baray in naagtu walax tahay, in geelu gooyo, in loo taliyo, in laga sareeyo, dadkii ma joogo!

Hareeraha day, waa dad kula mid ah. Ma joogo qof ku quudhsanaya, wadaad ku caayaya, nin isla weyn, iyo naag hooshaarshaar leh. Dad baa la wadda yahay, dan baa la wadda leeyahay, nolol baa ka dhexaysa, waa sidaas duniddu. Qof baad tahay, qof, qof!

Afka gacanta ka qaad, ha qarin dibnaha, waa awood; waa awoodda qudha ee aad haysato! Ha durkin, nolol baa jirta. Waa suuragal, waxa san baa suuragal ah. Waa hirdan, waa halgan, waa haladayg. Ha quusan, quusta lafteeda qudhgo’ay inta ayna innagu tamaraysan. Ha baqan, hayga diddin; soo dhawoow, ila hadal. Sidaas, maya, siddan. Ha sheegin, mar walba waa sida aad rabto. Maxaa inna dhibay? Qayayaab!

Is ka tun boodhka lugahaaga qariyay, kor u soo kac, ii dhiib gamcahaaga yar yar ee dhaska weyn leh. Innaga mari giggidan siigada miidhan ah. Innaga mari gidaarkan cidlada ah, waxaan ku gaynayaa dunidda, ma cidloon doontid; annaa kula jira! Ha ii qaban, waan ogahay in aan shan iyo toban sanno ka hor gabaariirtan kaaga tagay. I waydii sababtaan u soo noqday; la’aantaa nololi ma jirto!

Sawir dad la jira ari miyiga gobolka Hiiraan. | Sawirka/AU/ UN.
Sawir dad la jira ari miyiga gobolka Hiiraan. | Sawirka/AU/ UN.

I soo eeg, farrahan yar yar ee aad dhooqada ku kala miisto, waxaad ku kala guri kartaa duniddan uskaga miidhan ah, indhahan miiqmiiqan ee aad gigidda ku eegayso, waxaad ku ifin kartaa qudhunka dunidda. Ina socod sii, waxaan ku gaynayaa meel wax lagu akhriyo oo wax lagu qoro, waxaan ku barayaa, saaxiibo kula mid ah, dad dhaawacmay, dabadeed, isdhayey oo ka durduriyey. Waxaan ku barayaa, dadkii quusta dilay ee ii sheegay halkaan kaaga imi, dadkii i xasuusiyey badhkaan ka tagay.

Isii dhegaha; wixii dhacay ma go’aaminayaan waxa dhici doonna! U fiirso, jidhkaagu waxba ma illaawo, baraadkunna, waa maqalhaye, wixii lagu riday buu kuu kaydiyaa, haddaba, ma waxa aynu la noolaanaa jugaha jidhkeenna ku kaydsan, iyo, bulaacadda baraadkeenna lagu furay? Mise……Haa, waa in aynu ka fakarnaa MISE…

Nin baa tagay, LAAKIIN, nolol baa hadhay! Badh buu kaala la tagay, LAAKIIN, badh baa kaaga hadhay, boog baa kugu taal, LAAKIIN, baxnaannaa jirta! Aqbalkeen bay kaa rabaan, LAAKIIN, amardiid baa kuu eeg, oday bay kaa rabaan, LAAKIIN, arrinkeen baa kuu yaal. Run ahaantii, waa in aynu ka fakarnaa, LAAKIIN…

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News