Muqdisho (Kaab TV) – Isqabqabsi maalmahan u dhexeeyay xubno ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo laga qarinayay warbaahinta ayaa maanta noqday mid bannaanka usoo baxay ka dib markii lagu murmay maamulka bogga ama mareegta Facebook-ga ee wasaaraddaasi.
Xubnaha isku-haya maamulka bogga Facebook-ga ee wasaaradda ayaa kala ah Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Xamse Xaadow oo uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya 28-kii Janaayo ee sanadkan usoo magacaabay booskan iyo agaasimaha waaxda isgaarsiinta iyo xiriirka dadweynaha ee wasaaraddaasi, Cali Cabdi Xooshow.
Muranka iyo isqabqabsiga u dhexeeya xubnahan ayaa dhashay kadib markii uu Cali Xooshow oo gacanta ku haaya mareegta wasaaradda uu diiday in bogga Facebook-ga ee wasaaradda agu faafiyo qoraallada iyo sawirada xoghaya joogtada ee wasaaraddaaasi Xamse Xaadow.
Waraqaddan hoose ee maanta kasoo baxaday Xafiiska Xamse ayaa la diiday in lagu daabaco baggo Facebook-ga wasaaradda ,kadib markii uu is-hortaagay Cali Xooshow.
Warqaddan ayaa ah mid ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayb shaqaalaheeda iyo diblomaasiyiinta Safaaradaha ugu digeysay wax isdaba-marin iyo musuqmaasuq.