SO | EN

SO | EN

Iran ayaa Markab geysay Badda Cas kadib markii Mareykanka ay dileen 10 Xuutiyiin ah

|

DUBAI (KAAB TV) – Dowladda Iran ayaa shaacisay Isniintii inay dirtay Markabkeeda dagaalka ee Alborz, una dirtay Badda Cas, isaga oo ku sii jeeda biyaha Yemen, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Tasnim.

Talaabadan ayaa timid wax yar uun ka dib markii Maraykanku uu ku dhawaaqay in ay quusiyeen saddex doon oo ay lahaayeen maleeshiyaadka Xuutiyiinta, ayna dileen 10 ka tirsan maleeshiyada Xuutiyiinta ee gobolkaasi.

Dhanka kale, Dowladda Britain ayaa soo saartay digniin culus, taasoo muujineysa inay diyaar u tahay inay qaado “tallaabo toos ah” si ay uga hortagto weeraro kale oo lagu qaado maraakiibta aaggaasi maraysa.

Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in Xuuthiyiinta ay weerareen markab ganacsi ka hor inta aan la fashilin weerarkooda.

Imaatinka markabka dagaal ee Iran ayaa la filayaa in uu sare u qaado xiisadda ka taagan gobolka Bariga Dhexe oo markii horeba kacsanayd, gaar ahaan colaadda Israa’iil iyo Xamaas.

Xoogaga Xuutiyiinta ee xulafada la ah Tehran ayaa ku lug lahaa weeraro badan oo lagu qaaday maraakiibta mareysa Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed tan iyo markii uu bilowday iska horimaadka ka socda Marinka Qasa.

Xuutiyiinta Yemen oo ay Iran taageerto ayaa tan iyo bishii November bartil maameedsanayay maraakiibta badda mareysa, taasoo ay ku muujinayaan taageerada ay u hayaan Xamaas.

Waxaa xusid mudan, Xamaas waxa ay Maraykanka, Midowga Yurub iyo hay’ado kale u aqoonsadeen shabakad argagixiso.

Iyada oo laga jawaabayo khataraha sii kordhay, dhowr shirkadood oo waaweyn oo maraakiib ah ayaa doortay inay ka fogaadaan kanaalka Suez, oo ah waddo ganacsi oo muhiim ah oo ay maraan 12% maraakiibta ganacsiga caalamiga ah. Taa beddelkeeda, waxay u weecdeen dariiqa dheer ee qaaliga ah ee ku hareeraysan Cape of Good Hope ee Afrika.

Horaantii Axadii, diyaaradaha qumaatiga u kaca ee Mareykanka ayaa ku guuleystay inay iska caabiyaan weerar ay maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ay taageerto Iran ay ku qaadeen markabka Maersk oo marayey Badda Cas.

Dhacdadan ayaa keentay in ciidamada Maraykanka ay quusiyaan saddex doon, waxaana la sheegay in ay dhinteen 10 dagaalyahan oo Xuutiyiinta ah, sida laga soo xigtay saraakiisha Mareykanka, Maersk, iyo Xuutiyiinta.

Shirkadda maraakiibta Denmark, ee Maersk, ayaa ku dhawaaqday in 48 saacadood la hakiyay dhammaan maraakiibta badeecadaha sida ee dhanka Badda Cas maraya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News