Iran Milatariga dowladda Iran ayaa shalay duqeyn ka fuliyay deegaano katirsan gobolka Baluchistan ee dalkaasi Pakistan, waxaana duqeyntan ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray carruur.
Dowladda Pakistan ayaa si weyn uga carrootay weerarkan gantaalada loo adeegsaday ee Iran ka fulisay gudaha Pakistan, waxa ayna Iran ka digtay cawaaqib-xumo ka dhalan karta xad-gudubka Iran geesatay.
War kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Pakistan ayaa lagu sheegay weerarka Iran ka geesatay gudaha Pakistan in ay ku dhinteen labo carruur ah ,halka ay dhaawacyo kala duwana uu kasoo gaaray saddex carruur oo kale.
Milatariga Iran war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ay bartilmaameedsadeen laba saldhig oo lala xiriirinayo kooxda xagjirka ah ee Jaish al-Cadl, kuwaa oo weeraro khasaaro geestay ka fuliyay gudaha dalka Iran.
Dowladda Pakistan ayaana si adag u beenisay sheegashada Iran ee ku aadan in saldhigyo weerareen , waxa ayna Pakistan ku tilmaantay weerarka Iran fulisay mid sharci-darro ah oo dhalin kara cawaaqib-xumo baahsan.
Iran ayaa horey weeraro uga fulin jirtay dalalka Syria iyo Ciraaq, waxa uuna weerarkan talaadadii ay ka fuliyeen dalka Pakistan noqonayaa kii saddexaad ee ka fuliyaan dalalka dariska la ah.
Dalka Pakistan ayaana ah dal leh awood milatari oo aad u xooggan, waxa uuna dalkan heestaa hubka wax gumaada ee loo yaqaan Nukliyeerka, waxaana laga cabsi qabaa xiisadan in ay isku bedesho gacan ka hadal haddii aan xal loo helin.