SO | EN

SO | EN

Is Dultaag: Weerarkii Godka Jilicow iyo kaalinta xubnihii NISA

|

MUQDISHO (Kaab TV) – Ugu yaraan afar xubnood oo ka tirsan hay’adda sirdoonka qaranka ee Soomaaliya (NISA) kuwaas oo hore uga tirsanaa Al-Shabaab ayaa ka qeyb qaatay weerarkii argagixisada ee Sabtidii lagu qaaday xabsiga Godka Jilicow ee magaalada Muqdisho, sida ay muujinayaan baaritaan hordhac ah.

Maleeshiyada ayaa gacanta ku dhigtay xabsiga muddo ka badan 11 saacadood, waxayna sii daayeen ku dhawaad 12 maxbuus oo ka tirsanaa kooxda, ka hor inta aan la toogin maleeshiyadii weerarka qaaday ayagoo ay dileen cutubka Gaashaan oo uu tababaray Mareykanka, subaxnimadii Axadda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News