Beledweyne (Kaab TV) – Muran iyo is-qabqabsi ayaa ka taagan canshuurta laga qaado baraha kontorool iyo gudaha magaalada Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa shalay la wareegay canshuurtii maalinlaha loo aruurin jiray ee magaalada Beledweyne, xilli Maamulka Hirshabeelle uu qorsheynayay in lagu shubo qasnadda Wasaaradda Maaliyadda ee magaalada Jowhar.
Madaxweynaha maamulkaasi Cali Guudlaawe ayaa toddobaadkii hore u magacaabay Wasiirka Maaliyadda ee maamulkaasi Cabdiraxiin Ciise Caddow oo horey uga tirsanaa Maxkamadihii Islaamiga, kana shaqeynayey dhowaanahan Wasaaradda Warfaafinta ee Muqdisho.
Sida ay sheegayaan saxafiyiinta ku sugan Beledweyne, Cali Jeyte oo magaalada soo galay waqtigii afurka ee shalay [Isniintii] ayaa ku amray xubno ka mid ah saraakiisha Wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle in ay isaga ka amar qaataan.
Isku-duwaha Wasaaradda Maaliyadda ee Gobolka Hiiraan oo isu diyaarinayey inuu lacagta canshuurta la wareego ayaa weji gabax kala kulmay mas’uuliyiinta canshuuraha kadib markii ay ku wargeliyeen in aysan suuragal xaggooda ka aheyn in lacagta lagu shubo qasnadda dhexe ee Hirshabeelle.
Warar dheeraad ah oo laga helayo Beledweyne ayaa sheegaya in la baajiyay shir jaraa’id uu qaban rabay Cali Jeyte, kaas uu kaga hadli rabay xaaladdan taagan, waxaana baaqashadiisa lala xiriirinayaa wada hadal dhexmaray Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte.
Lacagta canshuurta ee Hirshabeelle ayaa laga soo ururiyaa baraha kontoroollada (isbaarooyinka) oo ay maamulaan askar iyo maleeshiyaad hoos taga madaxda kala duwan ee maamulka.
Weli caqabad weyn ayaa ka taagan in baraha kontorool ay noqdaan kuwo nidaamsan iyo in lacagta canshuurta ee laga qaado kontoroolada lagu xareeyo Wasaaradda Maaliyadda oo iyada qudheeda aan lahayn nidaam isla xisaabtan.