SO | EN

SO | EN

Isbahaysiga Farmaajo iyo Sheekh Shariif oo qalqal ku abuuray Xasan Sheekh

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Waxaa magaalada Muqdisho ka bilawday kulamo siyaasadeed oo aan kala go’ lahayn oo ay wadaan isbahaysiga siyaasiyiinta mucaaradka oo qaarkood dib ugu soo laabtay Muqdisho dhowaan.

Waxaa hore magaalada Muqdisho u joogay Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo toffobaadyadii lasoo dhaafay si firfircoon u waday shirar xasaasi ah oo uu ku diidan yahay isbeddelka dastuurka ee uu doonayo inuu meelmariyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Shariif oo sidoo kale ah xildhibaan ayaa khudbad kulul ka jeediyay baarlamaanka labo toddobaad ka hor isagoo sheegay inaan la aqbali karin in dastuurka oo aan laga tashan uu “hal qof iska maamusho”

Dhanka kale, waxaa Jimcihii Muqdisho soo gaaray madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo isaga laftiisa ku biiray dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ee mucaaradka.

Xogaha Kaab TV uu helayo ayaa muujinaya in isbahaysi ay hore u wadeen Farmaajo iyo Sheekh Shariif uu hadda noqday midka ugu adag ee qalqalka ku beeray hoggaanka Villa Soomaaliya ee madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Isbahaysigan ayaa waxaa laga yaabaa inuu dhowaan ku soo biiro madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo doorashadii Puntland markale ku guuleystay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News