SO | EN

SO | EN

Isbitaal raaligelin siiyay qoysas carruur loo kala badalay xilligii dhalmada 68 sano kahor

|

MANITOBA, Canada (KAAB TV) – Waxaa laga joogaa 68 sano, hase yeeshee labo nin oo odayaal ah ayaa hadda loo sheegay in mid kasta uusan dhalin qoysaska uu hadda ka tirsan yahay, balse uu leeyahay hooyo iyo aabbe kale oo aan ahayn kuwii soo korsaday.

Labada nin – mid wuxuu ka soo jeedaa qoys asal ahaan Ukraine u dhashay, halka midna uu ka soo jeedo qoysas dadka asalka ee Canada (ee loo yaqaano indigenous).

Richard Beauvais iyo Eddy Ambrose – waxay isku maalin ku dhasheen isla isbitaal ku yaalla magaalada yar ee Arborg, Manitoba, dalka Canada sannadkii 1955.

Markii ay dhasheen ayaa khalad ka dhacay umulisada darteed waxaa cunug kasta la siiyay hooyo aan ahayn tii dhashay. Sidaas ayaana ilme kasta ku raacay qoys aan kiisii ahayn.

Ma jirin wax dareen ah oo ka dhashay. Waxaana kasoo wareegatay 68 sano.

Richard Beauvais ayaa noqday kalluumeyste, mana uusan is ogeyn inuu asal ahaan yahay Ukraine. Halka Eddy Ambrose uu ku soo koray qoysas beeraley ah, wuxuuna ka mid noqday kooxaha kubadda baseball ciyaara.

Sidee lagu ogaaday khaladka

Toddobaadkan ayaa isbitaalka Arborg, Manitoba, dalka Canada wuxuu warqad rasmi ah u qoray labada qoys taasoo raaligelin lagu siiyay khaladka dhacay 68 sano ka hor. Waxaa loo sheegay mid kasta in hooyada iyo aabaha uu ku soo hoos koray aysan dhalin.

Isbitaalka ayaa shaaciyay natiijada baaritaan hidde sidaha DNA oo laga qaaday labada nin iyo qoysaskooda.

Qareenkooda Bill Gange ayaa sheegay in tani ay tahay dhacdo si weyn u saameysay nolosha labada nin, ayna sababtay tiiraanyo.

Qareenka ayaa dalbaday in lacag magdhow ah lasiiyo labada nin taasoo waajid ahaan liigu yeelanayo isbitaalka khaladka sameeyay oo hoostaga dowladda hoose ee magaalada Manitoba.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News