SO | EN

SO | EN

Isimmada SSC Khaatumo oo go’aan ka soo saaray doorashada Puntland

|

Garoowe (KAAB ) Maanta Arbaca ah Isimada SSC-Khaatumo oo ku hawllanaa dhex-dhexaadinta xukuumadda Madaxweyne Deni iyo Siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Puntland ayaa  go’aan rasmi ah ka soo saaray Khilaafka ka taagan  doorashada 2024.
Qoraal ka soo baxay isimada ayaa lagu sheegay In doorashada lagu qabto xilligeedii 8-da Jenuary ayna Baarlamanka hadda jira doortaan Mdaxweynaha iyo ku-xigeenmiisa, ka dibna 12 bilood ka dib golaha wakiillada lagu soo doorto qof iyo cod.
Bayaan ka soo baxay Isimada SSC ayaa lagu go’aamiyay in doorashada Madaxtooyada Puntland ku dhacdo wakhtigeeda oo ku beegan 8 Jan 2024.

Waxa sidoo kale isimimada SSC Khaatumo ay sheegeen in Baarlamanka hadda jooga doortaan Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka cusub taas oo ay sheegeen in xal uu yahay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News