SO | EN

SO | EN

Isku Milanka NISA iyo Al-Shabaab: Qirashadii ugu horreysay ee saameynta taliyaasha labada aag

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Shalay oo Jimce ahayd Wasiirka Warfaafinta ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Daa’uud Aweys ayaa ku dhawaaqay in hay’adda nabadsugida ee NISA ay xirtay 10 xubnood oo ka tirsanaa hay’adda kuwaasi oo u basaasayey kooxda Al-Shabaab.

Daa’uud Aweys ayaa sidoo kale shaaciyay magacyada labo nin oo uu sheegay inay baxsadeen. NISA ayaa sidoo kale barteeda Twitter ku faafisay sawirada labada nin oo midkood uu ku lebisan yahay dharka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

“NISA waxa ay raadinaysaa Cabdisataar Cabdiqaadir Ciise iyo Ayaanle Maxamed Cali oo baxsad ah, Fadlan haddii aad hesho xog horseedi karta in la qabto la soo xiriir hay’adaha ammaanka,” ayaa lagu yiri qoraalka twitterka.

Muddo dheer waxaa la hadal hayey isku milanka xubnaha Al-Shabaab iyo taliska NISA taasoo qeybaha kala duwan ee bulshada ay walaac weyn horey uga muujiyeen.

Dhawaaqan ayaa noqonaya qirashadii ugu horreysay ee maamulka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku qirto isku milanka kooxda Al-Shabaab iyo NISA kaasoo saameyntiisu ay hadda sii ballaaratay, ayna sababtay khasaare dhimasho iyo dhaawac aad u weyn.

NISA oo faafisay sawirrada labada nin ee iyaga ka tirsanaa una shaqeynayey Al-Shabaab.

Sida ilo wareedyada amni ee la hadlay Kaab TV ay sheegayaan dhibaatadu way ka weyn tahay sida loo maleynayo, waxaase adag sida deg deg arrintan wax looga qaban karo.

Saameynta Al-Shabaab ee NISA oo korortay

Tan iyo markuu bilawday barnaamijka dhaqan-celinta soo goostayaasha Al-Shabaab ee ku soo biiraya hay’adda NISA qiyaastii sannadkii 2014 waxaa sii kordhayey saameynta Al-Shabaab ay ku dhex leedahay NISA. Laakiin ilo wareedyada nala hadlay ayaa sheegaya in saameyntu ay sii xoogeysatay wixii ka danbeeyay May 2022 markii uu Taliska Nabadsugidda yimid Mahad Maxamed Salaad.

Hase yeeshee arrintan waxaa uun lagu buraarugay dhowaan ka dib markii ay dheceen dhowr dhacdo oo kashifay xiriirka daahsoon ee qaar ka mid ah hoggaanka Al-Shabaab la leeyihiin Agaasimaha NISA.

  • Weerarada shirqoolka: Al-Shabaab ayaa kordhisay weerarada khasaaraha badan dhaliyay ee ay ku beegsanayaan ciidanka dowladda ee ku sugan xeryaha iyo furinta dagaalka. Waxaase dad badan su’aal ka keeneen sida ay suurtagalka ku tahay in weerarka kasta oo Al-Shabaab ay ku qaado fariisin ciidan ay ku beegsato saraakiil muhiim ah, ayna kula wareegto hub iyo saanad ciidan.

Tusaale: Weerarkii 20 Jannaayo 2023 lagu qaaday xerada ciidanka ee Galcad ee lagu dilay Taliye ku Xigeenkii Danab Xasan Tuure iyo askar ka badan 140; weerarkii 17 Jannaayo 2023 ka dhacay Xawaadley ee lagu dilay Col. Abshir Maxamuud Shataqey; weerarkii 30 Sebtembar 2022 ee duleedka Basra ee lagu dilay Farxaan Qaroole; weeraradii ka kala dhacay Baar Sanguuni, Masagawaa, weeraro qaraxyo oo ka dhacay Baardheere iyo Doolow iyo Wabxo. Waxaa ugu dambeeyay weerarkii xerada Kulliyadda Jaalle Siyaad ee 24 Luulyo.

  • Siideynta labo xubnood ee qoyska Mahad Karataay: Saraakiisha amniga ee u waramay Kaab TV ayaa xaqiijiyay in dhammaadkii bishii Luulyo laga siidaayey xabsiga Godka Jilacow wiil iyo bar ka tirsan qoyska Madaxa Amniyaadka Al-Shabaab, Mahad Karataay oo xiriir qoyseed uu kala dhexeeyo Mahad Salaad.

Amniyaadka ayaa ah kooxda Al-Shabaab u qaabilsan sirdoonka iyo fulinta weerarada qorsheysan.

Wiilka iyo gabadha dhallinyarada ah ayaa laga soo qabtay xaafadda Sey Biyaano ee degmada Hodan, Muqdisho, waxaana la siidaayey intii ay NISA ku guda jirtay baaritaan ku saabsan wada hadal dhexmarayey Mahad Karataay iyo wiilka iyo gabadha u jooga Muqdisho, kuwaasoo uu siideyntooda amray Mahad Salaad, siday noo xaqiijiyeen xubnaha aanu la hadalnay.

  • Baaritaannada oo la hor istaagay: Dhowr il wareed oo ka tirsan hay’adaha amniga ayaa sheegay in markasta oo baaritaan lagu furo dhacdooyin weeraro ah sida weerarkii xerada ciidanka 14 Oktoobar ee Kulliyadda Jaalle Siyaad oo xitaa Wasiirka Amnigu sheegay inay diyaar u yihiin in la baaro laakiin aanan waxba kasoo bixin illaa hadda; iyo weerarkii hotelka Xayaat ay la kulmeen caqabad oo xitaa keentay in ay hanjabaad ka hor timaado xubnihii ka socday taliska Dembi Baarista C.I.D. Waxayna taasi sababtay in dhammaan baaritaannada ay ku dhamaadaan natiijo la’aan.

 

[Sawirka bidix] Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) iyo [midigta] Maxamed Cabduqaadir Shakiib ayaa ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab ee hadda xilalka ka haya dowladda.
  • Saraakiisha Al-Shabaab ee la dalacsiiyay: Kala bar ku dhowaad saraakiisha NISA ee ka hawlgasha hoggaanada kala duwan iyo qaar booliska loo wareejiyay ayaa horey uga yimid Al-Shabaab. Waxaa dad badan la yaabeen sida saraakiishaasi oo aan wax hubin ah lagu sameyn loogu magacaabay xilal muhiim ah, iyagoo heley awood ciidan oo ay ku fulin karaan qorshayaashooda.  Tusaale: Taliyaha booliska ee Gobolka Banaadir Mahdi Cumar Muumin (Macalin Mahdi) iyo Maxamed Cabduqaadir “Shakiib” oo ah Taliyaha NISA ee Hawl-wadaag ayaa ka mid ah saraakiisha Al-Shabaab ee hadda xilalka ka haya dowladda.

Mudanayaasha Baarlamaanka iyo ehellada askartii lagu laayey weerarkii ugu danbeeyay ee xerada Jaalle Siyaad ayaa xitaa dalbaday in Agaasimaha NISA lagu daro baaritaanka dadka la tuhunsan yahay, balse waxaa arrinta la sheegay inuu soo dhexgalay Madaxweyne Xasan Sheekh oo guddoonka Baarlamaanka ku cadaadiyay inay demiyaan dalabka ah in Mahad Salaad lagu sameeyo baaritaan.

Saameynta ma ku kooban tahay NISA?

Sida uu sheegay Wasiir Daa’uud Aweys, waxaa jira hay’ado badan oo ka tirsan dowladda oo ay Al-Shabaab dhex gashay.

“NISA waxay beegsaneysaa basaasiinta kala duwan ee ku dhex abuuran hay’adaha dowladda,” ayuu yiri Daa’uud oo ka hadlay shir saxaafadeed ka dhacay xarunta Wasaaradda Warfaafinta.

“Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan NISA oo muddo dheer baaritaanno iyo dabagal ku heysay ayaa waxay soo ogaatay inay jiraan dad ka dhex shaqeynaaya hay’adaha amniga ama xogta dowladda u gudbinaya Al-Shabaab,” ayuu sii raaciyay.

Xubno ka tirsan booliska ayaa qaba in aysan jirin wasaarad iyo hay’ad dowladeed oo aanan xiriir kala dhexeynin Al-Shabaab, taasoo ka dhigeysa arrinta mid cakiran oo wax ka qabashadeeda ay u baahan tahay tallaabooyin ka badan inta hadda la sheegay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News