Muqdisho (KAAB) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Xamsa cabdi Barre ayaa caawa sameeyay Magacaabis iyo Isku Shaandheyn qaar ka mid ah Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS.
Afhayeenka Xukuumadda Farxaan Maxamed Jimcaale ayaa faahfaahinaya isku shaandheynta iyo magacaabistan xubnaha cusub ee Golaha Wasiirrada.
Biixi Iimaan Cige ayaa loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda, iyadoo xilka laga qaaday Wasiirkii xilkaas hayay Cilmi Maxamuud Nuur.
Wasiirka shaqada & Arrimaha bulshada ayaa sidoo kale loo magacaabay Dr Maxamed Cilmi Ibraahim
Saadad Maxamed Nuur Caliyow ayaa loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Gudaha, halka xilkaas kaga qaaday Ilyaas Cali Xasan
Wasiiru Dowle ayaa lagu soo kordhiyay Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Abuukar Jaylaani Sheekh