SO | EN

SO | EN

Islaan Ciise iyo odayaasha Nugaal oo baaq deg deg ah kasoo saaray colaada Qorilugud

|

GAROWE (Kaab TV) – Galabta, odayaasha Puntland ayaa ku shirsaday magaalada Garoowe, iyagoo soo saaray baaq degdeg ah oo ku aaddan joojinta colaadda dhiigga leh ee u dhaxaysa beelaha Habar Jeclo/Isaaq iyo Dhulbahante oo ka socota degaanka Qorilugud ee u dhow magaalada Buuhoodle.

Dagaalladu waxay billowdeen toddobaadkii hore oo ay isku dhaceen maleeshiyaad ku sugan aagga Qorilugud, waxaana ay ku fiday tuulooyin dhowr ah, taasoo keentay in dad rayid ah ay ka qaxaan goobahaas.

In ka badan 20 qof ayaa ku dhintay dagaalka intii uu socday toddobaadkan.

Colaadda ayaa qaraxday xilli Somaliland ay isu diyaarinayso doorashada guud oo dhici doonta Nofeembar 13.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa ku eedeeyay dowladda Soomaaliya ee Muqdisho inay hurinayso colaadda, halka maamulka SSC-Khaatumo ay ku andacoodeen in maleeshiyada Somaliland ay weerareen magaalooyin ay iyagu xukumaan.

Islaan Ciise Islaan Maxamed oo ka hadlay dagaalka ayaa ka xumaaday colaadda sii socota ee u dhaxaysa labadan beelood oo jaar ah kana soo kala jeeda SSC-Khaatumo iyo Somaliland.

Waxaad tihiin dad ehela oo wada dhashay dagaalka joojiya,” ayuu yiri Islaan Ciise Islaan Maxamed.

“Waqtigan la joogo waa in colaadda la joojiyo oo dhiigga ka daadanaya Qorilugud la hakiyo,” ayuu yiri Islaan Ciise.

Wararka ka imaanaya degaanka ayaa sheegaya in maleeshiyaadka qabiilku weli kusii qulqulayaan aagga iyagoo wata hub dheeraad ah.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News