Boocame (KAAB TV) – Madaxweyne kuxigeenka maamulka Puntland Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa shaaca ka qaaday in reer Laascaanood ay ku abaal dheceen isla markaana aysan ka fileynin wadada ay maanta qaadeen in ay qaadi doonaan.
Sidoo kale, Lugatoor ayaa sheegay in Xasan Sheeh iyo kooxdiisa ay uga adkaadeen dhisida maamulka cusub ee Waqoyi Bari, isla markaana aysan fileynin in looga adkaan doono Laascaanood.

