QAAHIRA (KAAB TV) – Iiraan waxay qaaday weerar dhanka cirka ah oo ay u adeegsatay gantaalada riddada dheer ee Shahab 3, kuwaasi oo ay la beegsatay bartil-maameedyo ku yaalla Israa’iil.
Weli lama oga khasaaraha.
Hase yeeshee siday dadka goobjoogayaasha sheegayaan, ayna xaqiijinayaan muuqaallada warbaahinta, waxay gantaaladu ku dhacayeen meel ku dhow caasimada Israa’iil ee Tel Aviv.
Duqeymaha oo in cabbaar socday ayaa hadda joogsaday, sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Israa’iil.
Militariga Israa’iil ayaa sheegay in 180 gantaal caawa kaliya ay soo tuurtay Iiraan. Gantaalada badankood ayaa hawada lagu qabtay, hase yeeshee waxaa jira dhowr ku dhacay gudaha magaalooyinka Israa’iil.
Iiraan weli wax war ah masoo saarin.
Mareykanka, waxaa goordhow la baajiyay shir jaraa’id oo uu qaban lahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Anotny Blinken, iyadoo afhayeenka wasaaradda uu la hadli doono warbaahinta.
Dowladda Mareykanka waxay maanta goorhore shaacisay in haddii Iiraan ay weerarto Israa’iil ay Washington ku qasban tahay inay difaacdo Israa’iil.
Weeraradan oo kale waxay Iiraan ku qaaday Israa’iil bishii Abriil xilligaas oo tiro gantaalo ah ay ku dheceen gudaha Israa’iil.
Israa’iil waxay hadda ku hanjabaysaa inay qaadi doonto weeraro aargudasho ah oo ka adag kuwii hore.