Gaza (KAAB TV ) Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Caafimaadka ee Gaza ayaa lagu faah-faahiyay khasaaraha ka dhashay duqaynta Ciidanka Israaiil ay ka gaysteen Magaaladaas 48dii saac lasoo dhaafay oo galaafatay nolosha dad badan oo Shacab ah.
Warka Wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu sheegay in Dadka ku dhintay duqaynta xooggan ee Yuhuudda ka gaysatay Koofurta & Waqooyiga Magaalada Gaza ay kor u dhaafayaan 390 ruux oo geeri ah iyo dhaawaca in ka badan 734 kale.
Kooxaha gurmadka degdega ah ayaa sheegay in Dadka dhaawacyada ah ay ku jiraan Carruur guryahooda ay duqayn arxan-darro ah ku beegsadeen Ciidamada soo duulay ee Yuhuudda oo muddooyinkii dambe kordhiyay weerarrada ka dhanka ah Goobaha Rayidka.
Sarkaal katirsan dhinacyada iskacaabbinta la horfadhiyo ciidanka Yuhuudda ayaa sheegay in duqayntaan ay timid kaddib markii Ciidanka Israaiil ay ku jabeen dagaalka tooska ah ee ka socda Koofurta iyo Waqooyiga Magaalada Gaza.
Khasaaraha ayaa ka badan kara inta ay shaacisay Wasaaradda Caafimaadka Gaza maadaama dhismaha dumay laga hoos baarayo Dad lagu tuhmayo in ay ku sugnaayeen guryahaas kahor inta aanay duqaynta Israaiil burburin.