Gaza (KAAB )- Israa’iil ayaa shaacisay in ay ogoshay wada- hadalada la doonayo in lagu joojiyo xabad kaas oo dhaxmara labada dhinac si loo helo xal waara .
Sidoo kale Israa’iil ayaa sheegtay in wada- hadaladaas ay doonayso in ay noqdaan kuwo wadada u furi kara gargaarka iyo is dhaafsiga Maxaabiista la kala haysto.
Warkan Israa’iil ayaa laga soo xigtay sarkaal sare oo ka tirsan Mareykanka kaas oo sheegay in dhanka Israa’iil ay diyaar u yihiin wada – hadal ay ka galaan xabad joojinta marinka GAZA.
Sarkaalkan Maraykanka ah oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo, ayaa weriyayaasha u sheegay in haatan jawaabta laga sugayo dhinaca Xamaas.
Waxa uu intaas raaciyay sarkaalkan in qorshaha xabad joojinta ay aad u riixayaan , hoggaamiyaasha Mareykanka si loo helo fursad la isku dhaafsado maxaabiista isla markaana gargaarka loo gaarsiiyo kuwa ku dhibaataysan Marinka GAZA.
Haddii ay Xamaas ku qanacdo heshiiskan cusub, wuxuu dhigayaa in muddo lix toddobad ah la joojiyo dagaalka, isla markaaana la sii daayo maxaabiista nugul.
Muddo dheer waxaa socday wada- hadalo lagu doonayay in in xabada lagu joojiyo isla markaana ay wadeen wadamo dhawr ah oo ay ka mid tahay Qatar iyo Mareykanka.
Si kastaba marinka GAZA waxaa ka sii socda , wali duqeymaha diyaaradaha israa’iil ay ka gaysanayaan halkaas kuwaas oo dhibaatada ugu badan ay ka soo gaarayso , dad u badan caruur iyo dumar.