SO | EN

SO | EN

Israaiil oo diidan in gargaar loo gudbiyo Waqooyiga Magaalada Gaza ka dib markii..

|

GAZA (KAAB TV)- Ciidanka Israaiil ayaa is hor istaag ku sameeyay gargaarka bani aadamnimo ee loogu talagalay in loo gudbiyo Waqooyiga Magaalada Gaza iyada oo loo sababaynayo in ay halkaas kala kulantay culayskii iska caabinta ah ugu xoogganayd ee ay arkaan.

Qaramada Midoobay ayaa qorsheenaysa in caawa ay gargaar kooban u gudbiyo Waqooyiga Gaza balse wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidanka Yuhuudda oo ka amar-qaadanaya Ra’iisul Wasaare Netanyahu diidan yihiin tallaabadaas.

Maraykanka oo damacsan in uu iska meero ceebta kasoo gaartay in hub weliba uu siiyay Israaiil iyo ciidamo gaar ah uu ku gacansiiyay ay ka gungaari waayeen go’aankooda ah soo furashada maxaabiista ay gacanta ku hayso Xamaas.

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sheegay in uu Israaiil kahor taagan yahay weerar toos ah oo ay ku qaaddo Magaalada ay u qiil-raadsanayso ee Rafax inkasta oo Aqalka Cad uu ogol yahay weerarkaas balse waxa uu ku dahaaray shuruudo aanay waxba ka fulayn.

Israaiil ayaa ku jabtay Waqooyiga Magaalada Gaza waana xaafadaha lagu gubay Taangiyada ugu badan, saraakiisha muhiimka ah looga dilay sidoo kale gantaallada culus ay ku garaaceen kana gaysteen xasuuqa ka dhanka ah Shacabka Falastiin.

Tallaabadaan ayaa ku soo beegantay saacado ka dib markii Joe Biden uu khadka taleefanka kula hadlay ra’iisul wasaaraha Israa’iil,taas oo ah  markii ugu horreysay tan iyo markii la dilay toddobo shaqaale oo kuwa gargaarka ah.

Albaabka Erez ee waqooyiga Gaza ayaa si ku meel gaar ah dib loo furi doonaa markii ugu horeysay tan iyo markii uu dagaalka bilowday, iyadoo sidoo kale la furi doonaa dekedda Ashdod si loo helo gargaarka bini’aadanimo.

Dhanka kale,gargaar dheeraad ah oo ka yimaada Jordan ayaa loo oggolaan doonaa in laga soo galiyo Isgoyska Kerem Shalom.

Mr Biden ayaa sidoo kale Netenyaahu ku adkeeyay in kooxdiisa wada-xaajoodka arrimaha Gaza ay soo gunaanadaan ama soo gabagabeeyaan heshiiska lala galayo Falastiiniyiinta,gaar ahaan koxxda Xamaas.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News