Tehran (KAAB TV) -Israa’iil ayaa weerar cirka ah la beegsatay xarunta dhexe ee telefishinka qaranka Iran (IRIB) oo ku taalla Degmada Saddexaad ee magaalada Tehran, xilli uu si toos ah u socday barnaamij war ah.
Weerarkan ayaa sababay qarax xooggan iyo qiiq ka kacay gudaha istuudiyaha, iyadoo weriyad Sahar Emami ay si toos ah hawada ugu jirtay. Qaraxa kadib waxaa ay ka carartay goobta iyada oo ku dhawaaqaysa “Allahu Akbar”.
Weerarkan ayaa dhacay saacado kadib markii Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, uu ku hanjabay in xarunta warbaahinta IRIB ay “baabi’i doonto,” isagoo ku tilmaamay hay’ad faafinaysa nacayb iyo dacaayad. Dowladda Iran ayaa weerarka ku sheegtay dambi dagaal oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaeil Baghaei, ayaa Israa’iil ku eedeeyay in ay tahay “dilaaga saxafiyiinta iyo warbaahinta,” isagoo ugu baaqay Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay in ay si deg deg ah usoo farageliyaan oo wax laga qabto gardarada Israa’iil.
Israa’iil ayaa si gaar ah u beegsata warbaahinta Bariga Dhexe isla markaana Guddiga Difaaca Saxafiyiinta (CPJ) ayaa sheegay in 178 saxafi lagu dilay Gaza tan iyo bishii Oktoobar 2023, taasoo ka dhigaysa dagaalkan kii ugu dhimashada badnaa ee abid saxaafadda lagu beegsado. CPJ waxay sheegtay in Israa’iil anay la kulmin wax ciqaab ah taasi oo ku dhiirrigelisay in ay sii wado dilalka saxafiyiinta Falastiiniyiinta, iyo in hadda ay badhtilmaameedsato warbaahinta Iran.
Weerarkan ay Israa’iil ku qaaday xarunta warbaahinta IRIB ayaa qeyb ka ah dagaal ballaadhan oo ay ku doonayso in ay ku curyaamiso dhaqaalaha, awooda, siyaasada iyo warbaahinta dalka Iran. Iran ayaa dhankeeda waada weeraro ay kaga jawaabayso xasarada Israa’iil iyada adeegsanaysa gantaallo iyo diyaarado kuwa ismiidaamiya ah.
Sidoo kale Israa’iil ayaa sannadihii u danbeeyay duqeymo joogto ah ka fulisay Gaza, Daanta Galbeed, iyo xuduudka Lebanon, iyadoo hadafkeedu yahay in ay burburiso shabakadaha warbaahinta iyo isgaadhsiinta ee ay u aragto khatar. Khuburada amniga ayaa ka digaya in labada dal ay kusii socdaan jiho dagaal toos ah, taasoo halis weyn ku ah xasilloonida Bariga Dhexe.
Dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh oo aad u baaxad weyn. Iran ayaa xaqiijisay geerida saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada Ilaalada Kacaanka (IRGC), kuwaas oo lagu dilay duqeymo Israa’iil ka fulisay gudaha Iran. Waxaa sidoo kale la weeraray xarumo sirdoon iyo saldhigyo ciidan, kuwaas oo sababay dhimashada iyo dhaawaca tiro askar ah iyo saraakiil iyo 220 qof oo rayid ah.
Dhanka Israa’iil, inkasta oo ay xakamaysay xogta rasmiga ah ee dhimashada, haddana gantaallada Iran ku garaacday badhtilmaameedyo muhiim ah ayaa sababay burbur ballaadhan waxaana ilaa hada ay dhimashadu maraysa 20 qof sida Israa’iil sheegtay, warbaahinta Iran sheegtay in Israa’iil khasaaro culus kala kulantay weeraradaas.
Israa’iil ayaa lagu eedeeyay inay qorsheynayso dilal siyaasadeed oo ka dhan ah hoggaanka sare ee Iran, iyadoo la shaaciyay in Madaxweyne Donald Trump uu diiday qorshe Israa’iil ku doonaysay in lagu beegsado Hoggaamiyaha Ruuxiga ah ee Iran, Ayatullah Cali Khumayni.
Damaca noocaas ah ayaa muujinaya heerka uu gaadhay is-neceybka siyaasadeed iyo istaraatijiyadeed ee labada dal. Taliska Israa’iil ayaa u arka Khumayni inuu yahay maskaxda ka dambaysa taageerada kooxaha hubeysan ee gobolka sida Xisbullah iyo Xamaas, taasoo sababtay in Khumayni noqdo badhtilmaameed muhiim ah. Iran ayaa arrintan ku tilmaantay isku day dil siyaasadeed oo khatar gelinaya nabadda caalamiga ah, waxayna sheegtay inay si buuxda ugu diyaar tahay inay ka jawaabto weerar kasta oo lagu qaado hoggaankeeda.