SO | EN

SO | EN

Israaiil oo Gaza ku beegsatay Macallimiin Jaamacadeed & Arday

|

Gaza (kaab tv ) – Ciidamada Israaiil ayaa weerarka ay ku qaadeen Magaalada Gaza waxaa laga diiwaangeliyay dambiyo kala miisaan culus oo qaarkood si tartiib-tartiib ah kiisaskooda dib loogu soo faagayo iyada oo xitaa lagu soo bandhigay Meelo ka baxsan saaxada dagaalka ka socdo.

Kooxaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigoodu yahay Magaalada Geneva ee Switzerland ayaa warbixinno ay gudbiyeen waxa ay ku dareen in Ciidamada Yuhuudda ay sabab la’aan dileen 94 Barafasoor oo wax ka dhigayay Jaamacadaha Gaza.

Macallimiintaan ayaa intooda badan lagu dilay goobihii ay wax ku barayeen Ardayda iyada oo qaarkood duqayn lagu asqeeyay halka qaar kale ay si bareer ah u toogteen ciidamada Yuhuudda sida lagu muujiyay warbixinta.

Arday aanay tira-koob lagu samayn ayaa kamid ah dadka ku dhintay dagaalka Magaalada Gaza ka socda tan iyo 7dii Oktoobar 2023 waxa ay taasi ka dhigtay in xaaladdu ay kasii darayso maalinba maalinta ka dambaysay oo la diiwaangelinayo dhacdooyin cusub.

“Ciidanka Israaiil waxa ay Magaalada Gaza ku beegsadeen goobo kala duwan oo kuwa wax lagu barto ay qayb ka yihiin, inta la diiwaangeliyay waxaa nafta la dhaafiyay 94 Barafasoor iyo Arday badan, xog-baaris ayaa lagu ogaaday in si aan kala sooc lahayn Dadkaas loo dilay bilaa Sabab ama cudur daar la’aan” ayaa lagu yiri warbixinta Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha ee fadhigoodu yahay Magaalada Geneva.

Ciidamada Yuhuudda ayaa duqayn aan loo meel-dayin ku wada Magaalada Gaza, waxa ay dhulka dhigeen guryo badan, goobaha Waxbarashada, Caafimaadka & Xeryaha ay degen yihiin Dadka barakacayaasha ah balse ma jirto cid ku hanjabtay in lagula xisaabtamayo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News