Israa’iil oo maanta joojisay in Salaadda Jimcaha lagu Tukado Masjidka Al Aqsaa

|

MUQDISHO (Kaab TV) –Maamulka Yuhuudda ayaa soosaaray amar ku saabsan in jimcaha maanta ah la joojiyay in Salaadda Jimcaha lagu tukado Masjidka Al Aqsaa iyada oo sabab uga dhigtay culayska ay kala kulmayso Iiraan oo duqaymo culus ku beegsanaysa dhulka uu maamulkaas haysto.

Dad u badan Dhallinyaro oo bilihii u dambeeyay culays xooggan lagu saarayay sidii looga reebi lahaa ku tukashada Masjidkaan ayaa diiday arrintaan iyaga oo baraha Bulshada ka billaabay olole la xiriira sidii ay u jabin lahaayeen go’aankaas culus.

Maamulka Netanyahu ayaa ciidamo badan oo aad u hubaysan isla markaana wata Gaadiid dagaal dhigay albaabada laga galo Masjidka si dadka looga hor istaago maanta sida ay ku warrameen Suxufiyiin iyo ilo kala duwan oo ku sugan Magaalada Qudus.

Iiraan kama mid ahan goobaha ay beegsatay xeendaabka dhulkaas barakacaysan ee muhiimka ah Muslimiinta balse maanta Cadawga uu haysto, waana tan keentay in Dad badan ay dhegaha ka furaystaan go’aanka Netanyahu.

Inta badan marka uu soo baxo go’aan kan lamid ah waxaa dhaca isku dhac dhexmara Muslimiinta iyo Askarta Yuhuudda ah ee isku dayda in ay is hor istaagaan Dadkaas oo ay ka celiyaan in aysan gudaha u gelin masjidka Al Aqsaa.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News