SO | EN

SO | EN

Israa’iil oo sheegtay iney dileen hoggaamiyhii weerarka dadka badan looga laayay

|

Tel Viv (KAAB TV) – Ciidamada Israel ayaa maalintii todobaad oo xiriir ah duqeymo dhinaca cirka ah ku garaacaya magaalada Gaza ee dhulka Falastiin, waxaana sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhalanaya duqeymaha.

Sidoo kale, War kasoo baxay milatariga Israel ayey ku sheegeen in duqeymo ay geesteen diyaaradahooda dagaalka ku dileen hoggaamiye katirsan ciidamada Xamaas, gaar ahaan kuwii dhawwaan weeraray dhulka Israel maamusho.

Dhanka kale, Milatariga Israel ayaa sheegay in xogo sirdoon ay heleyn u suurto galisay in ay dilaan Cali Qaadi oo ahaa taliye katirsan ururka Xamaas ,gaar ahaan qeybta ‘Nukhba’, waxa ayna sheegeen in ninkan uu ahaa hoggaamiyihii weerarkii Isral lagu qaaday Sabtidii hore.

Ninkan ay sheegeen milatariga Israel in ay dileen ee Cali Qaadi oo 37-sanno jir ah ayaa kamid ku dhawaad ​​1,000 maxaabiis falastiiniyiin ah oo la sii daayay sannadkii 2011-kii oo lagu beddelay Gilad Shalit, oo ahaa askari Israa’iili ah oo ay Xamaas qabteen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News