GAZA (KAAB TV) -Ciidamada Difaaca Israa’iil ayaa xalay qaaday weerarro cirka ah oo culus oo lagu beegsaday xarumaha kobcinta awoodda nukliyeerka ee magaalada Tehran ee caasimadda Iran, kadib maalmo la filayay in weerar noocan ah uu dhaco.
Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in weerarradu ay ujeedadoodu tahay in lagu waxyeelleeyo kaabeyaasha barnaamijka nukliyeerka Iran iyo warshadaha soo saara gantaallada ballaastikada.
Isagoo ku hadlayay farriin muuqaal ah oo horay loo duubay oo soo baxday subaxnimadii hore ee Jimcaha, ayuu Netanyahu yidhi: “Hawlgalkani wuxuu socon doonaa inta aan ka takhalusayno khatarta dabar-go’a ee nagu soo wajahan.”
Sarkaal aan magaciisa la shaacin oo ka tirsan militariga Israa’iil ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in Israa’iil ay beegsatay “dhowr iyo toban” badhtilmaameed oo nukliyeer iyo milatari ah.
Wakaaladda wararka ee dowladda Iran, Nour News, ayaa sheegtay in dhawr qarax oo waaweyn laga maqlay magaalada Tehran iyo hareeraheeda, iyadoo intaas ku dartay in nidaamka difaaca cirka ee Iran la geliyay heegan buuxa, isla markaana la hakiyay duullimaadyadii garoonka diyaaradaha Imam Khomeini.
Milatariga Israa’iil ayaa sidoo kale u xaqiijiyay wargeyska The Times of Israel in ay fuliyeen hawlgal cirka ah oo loogu magac daray “Nation of Lions,” kaas oo lagu beegsaday warshado hub oo Iran leedahay, iyagoo sheegay in ay ka hortagayaan khatar uga imaanaysa Iran.
Telefishinka dowladda Iran ee Press TV ayaa xaqiijiyay in ay jiraan dad ku waxyeelloobay weerarrada, inkasta oo aan la shaacin tiradooda. Mas’uul kale oo aan magaciisa la shaacin oo ka tirsan difaaca Israa’iil ayaa sheegay in ay suuragal tahay in weerarrada lagu dilay xubno ka tirsan saraakiisha sare ee militariga Iran, oo ay ku jiraan taliyaha guud iyo saynisyahanno sare oo ka shaqeeya barnaamijka nukliyeerka.
Bayaan uu soo saaray Wasiirka Difaaca Israa’iil, Israel Katz, ayuu ku sheegay in weerarradu ay yihiin “kuwa ka hortag ah,” isla markaana Israa’iil ay isu diyaarineyso jawaabta Iran. “Weerar gantaallo iyo diyaarado aan duuliye lahayn ah oo lagu soo qaado Dowladda Israa’iil iyo shacabka rayidka ah ayaa la filayaa in uu si dhakhso ah u dhaco,” ayuu yidhi Katz.
Dowladda Mareykanka ayaa billowday in ay dib u soo celiso diblomaasiyiinteeda iyo shaqaalaheeda rayidka ah ee ku sugan waddamada gobolka, sida Ciraaq, iyadoo madaxweyne Donald Trump uu sheegay in Bariga Dhexe uu noqon karo goob khatar ah.