SO | EN

SO | EN

Isra’iil oo ka wal walsan sii joogitaanka magaalada Qaza

|

Tel Aviv (KAAB TV) – Taliyaasha sar sare iyo ciidamada Israa’iil, ayaa ka niyadjabsan sii joogitaanka magaalada Qasa iyo in mar kale ka qeyb qaataan howlgallo cusub oo gabi ahaan magaalada looga saarayo Xamaas, sida ay qorsheeneyso xukuumadda Israa’iil.

Ra’isul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu iyo xukuumadiisa , ayaa go’aamiyay in ciidamada qaadaan duullaan cusub oo qorshaha yahay in Xamaas laga tirtiro magaalada Qasa, sidoo kale xoog lagu barakiciyo shacabka magaalada ku haray kuna silicsan.

Hoggaanka milatariga Israa’iil, ayaa hadda billaabatay inay si toos ah uga horyimaadaan qorshahayaasha dagaal ee ay dejinayaan Netanyahu iyo xukuumadiisa, iyadoo taliyaha guud lagu eedeyay inuusan taageerrin qorshaha lagu ballaarinayo dagaalka Qasa.

Waxaa la sheegay in ciidanka Israa’iil ee ku sugan gudaha nagaalada Qasa ay wajaheen xaalad daal jireed iyo mid maskaxeed aan u suragelinayn inay ballaariyaan dagaalka, sida uu ku warramay wargeyska Wall Street Journal.

Ciidamo badan oo katirsan milatariga Israa’iil ayaa isku dhax dilay gudaha magaalada Qasa, waxaa sidoo kale la sheegay in ay jiraan askar kale oo waalatay kaddib marka ay u adkeesan waayeen xaalada adag ee Qasa ku wajaheen.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News