Tel Aviv (KAAB TV) – War kasoo baxay milatariga maamulka Isra’il, ayaa looga hadlay diyaarado nuuca aan duuliyaha laheyn oo saacadihii lasoo dhaafay lagu weeraray gudaha Israa’iil, waxa ayna weerarkan diyaaradaha loo adeegsaday cabsi ka abuureen deegaannada yahuuda degan yihiin.
Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ah ay ku soo dhacday aagga Kaysariya ee bartamaha Israa’iil subaxnimadii hore ee saaka, halka diyaarad aan duuliye lahayn oo laga soo diray Lubnaan lagu weeraray deegaan dhaca waqooyiga Israa’iil.
Waxa ay sheegeen milatariga Israa’iil in duullaanka loo adeegsanayo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay ku wadaan dib u eegis, ayna raadinyaana xal looga hortago diyaaradahna oo weerarada lagu geesanayo ay sii kordhayaan.
Mar sii horreysay, militariga Israa’iil ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn oo ka soo laga soo diray dhinaca dalka Suuriya ay ku soo dhacday waqooyiga gobolka buuraha Golan ee la haysto. mana sheegin diyaaradaasi in laga hortagay iyo in ay caadi usoo dhacday.
Kooxda Xisbullaah ayaa dhawaan weerar ay u adeegsatay diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ku qaaday saldhig ay leeyihiin milatariga Israa’iil, waxaana weerarkaasi lagu dilay dhowr askari, halka tiro kale oo badana lagu dhaawacay, waxa uuna noqday weerarkan mid walaac xooggan ku abuuray Israa’iil.