SO | EN

SO | EN

Itoobiya iyo Kenya oo ku heshiiyay iskaashi amniga, difaaca iyo dhaqaalaha

|

NAIROBI (KAAB TV) – Kenya iyo Itoobiya ayaa xoojiyay iskaashigooda iyagoo kala saxiixday todobo Isfaham (MOU) oo looga gol leeyahay in lagu kobciyo iskaashiga dhinacyada kala duwan iyo xaqiijinta nabadda, amniga, iyo xasilloonida qaaradda oo dhan.

Heshiisyada isfaham waxay ka kooban yihiin dhinacyo badan oo ay ka mid yihiin horumarinta dhaqanka, dalxiiska, ilaalinta duurjoogta, dhaqaalaha buluuga ah, adeegyada asluubta, horumarinta batroolka iyo tamarta, iyo kobcinta awooda adeegga dadweynaha.

War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen wasiirrada arrimaha dibadda ee labada dal, Madaxweyne Ruto iyo Ra’iisul Wasaare Abiy waxay ku adkeeyeen muhiimadda ugu weyn ee ilaalinta nabadda iyo xasilloonida ee kobaca dhaqaalaha iyo horumarka Afrika.

Labada dhinac ayaa sheegay inay go’aansadeen inay dhowraan madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dawlad-goboleedyada iyagoo diidaya isbeddelka dastuuriga ah ee dawladda iyo faragelinta dibadda ee hababka siyaasadda gudaha.

Heshiisyada ay wada gaareen labada dal ee Kenya iyo Itoobiya ayaa waxay ku saabsan yihiin dhinacyada ganacsiga, maalgashiga, beeraha, kalluumeysiga, gaadiidka, isgaarsiinta iyo teknolojiyadda, dalxiiska, caafimaadka, dhaqanka iyo kaymaha, iyadoo la waafajinayo himilooyinkooda qaran.

Saxiixa heshiiskan is-afgaradka ah ayaa kusoo beegmaya iyadoo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu booqasho ku tagay magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Booqashadan ayaa lagu tilmaamay tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah ee labada dal.

Booqashada Abiy ayaa ku soo beegantay xilli xasaasi ah, iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, kaddib heshiiskii is-afgaradka ahaa ee Addis Ababa la gaartay Somaliland.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News