MUQDISHO (Kaab TV) – Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa shaacisay inay Dowladda Soomaaliya iyo Itoobiya ku heshiiyeen sidii ciidamada Itoobiya uga qetb gali lahaayeen hawlgalka AUSSOM, iyo sidoo kale in lasii horumariyo xiriirka iyo iskaashiga labada dal.
Heshiiskaan ayaa lagu gaaray magaalada Muqdisho maanta.
Wafdiga Itoobiya waxaa hoggaaminaayay Wasiirka Gaashaandhiga Caasho Maxamed, halka dhanka Dowladda Soomaaliya uu heshiiska u saxiixay Wasiirka Gaashaandhiga, Cabduqaadir Jaamac iyadoo uu joogay Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Balcad oo ka wakiil ahaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.