SO | EN

SO | EN

Itoobiya oo Ciidamo cusub usoo tababartay Soomaaliya

|

Addis Ababa (Kaab TV) –Dowladda Itoobiya ayaa markii ugu horeysay Soomaaliya ciidamo usoo tababartay ciidankaas oo kamid noqonaya kuwa xoogga dalka kuwaas oo hada soo dhameystay tababarka oo dib loogu soo celiyay dalka.

Lama shaacinin tirada ciidankan oo soo dhameystay tababarka balse waxaa lasoo bandhigay sawiradooda ayaga oo kusugan xeradii lagu tababarayay.

Warbaahinta gudaha dalka itoobiya ayaa shaacisay in cidaamadan uu tababarkooda usoo dhamaaday todobaadkii tegay ayna ka qeyb qaadan doonan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Waa markii ugu horeysay ay itoobiya ciidamo usoo tababarto Soomaaliya tan iyo markii ay kala saxiixdeen iskaashi iyo amni oo saddex geesood ahaa dalalka Itoobiya, Soomaaliya iyo Eritrea.

Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaas oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayo madaxweyne Xasan Sheekh oo todobaadkii hore Kampala uga qaybgalay shir ay yeesheen waddamada ay ciidamada ka joogaan gudaha Soomaaliya, kaas oo looga hadlay dagaalka Al-Shabaab iyo qorshaha kala guurka ee howlgalka Midowga Afrika, ATMIS.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News