Ku dhawaaqista Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ee ku aaddan inuu dhexdhexaadin ka sameeyo colaadda Suudaan ayaa dhalisay su’aalo siyaasadeed oo ku saabsan doorka Addis Ababa iyo Imaaraadka Carabta ee dagaalka ka socda dalkaas, xilli ay jiraan eedeymo la xiriira taageerada dhinacyada dagaallamaya.
Tallaabada Abiy Ahmed ayaa timid maalin kadib kulan dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta, iyadoo waqtiga ay ku soo beegantay ku dhawaaqista dhexdhexaadinta ay sare u qaadday doodda ku saabsan xiriirka labada dal iyo danaha ay ka leeyihiin xaaladda Suudaan.
Colaadda Suudaan, oo u dhexeysa ciidamada dowladda ee uu hoggaamiyo General Abdel Fattah al-Burhan iyo ciidamada Rapid Support Forces (RSF) ee uu hoggaamiyo Maxamed Xamdaan Dagalo, ayaa muddo dheer saameyn ku yeelatay siyaasadda gobolka, iyadoo dalal kala duwan lagu eedeeyay inay taageero siyaasadeed, mid milatari ama mid dhaqaale u fidinayaan dhinacyada dagaalka.
Abiy Ahmed ayaa ku dhawaaqay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay martigeliso wada-hadal loo dhan yahay oo ay ka qaybgalayaan dhinacyada milatari, siyaasadeed iyo rayidka ah ee Suudaan, kaas oo looga golleeyahay in lagu soo afjaro dagaalka, laguna gaaro heshiis siyaasadeed oo horseeda nabad waarta.
Bayaanka uu Abiy soo saaray ayaa lagu sheegay in Itoobiya ay diyaar u tahay inay dhinacyada Suudaan u abuurto jawi wada-hadal, iyadoo sheegtay inay dhexdhexaad ka noqonayso dhinacyada dagaalka. Waxa uu sidoo kale ku baaqay in aan la doonayn guusha hal dhinac oo keliya, balse la raadinayo xal ay Suudaan iyo shacabka dalkaasi ku gaaraan nabad iyo xasillooni.
Hase yeeshee, ku dhawaaqista dhexdhexaadinta ayaa dhalinaysa su’aalo ku saabsan kalsoonida Itoobiya, maadaama Dowladda Suudaan ay hore Itoobiya ugu eedeysay inay taageero u fidiso RSF, isla markaana dhulkeeda laga abaabulayo dhaqdhaqaaqyo milatari oo la xiriira kooxdaas.
Dowladda Suudaan ayaa Itoobiya ku eedeysay inay oggolaanayso in ciidamo ka tirsan RSF ay tababar ku qaataan gudaha Itoobiya, isla markaana ay jiraan dhaqdhaqaaqyo hub iyo taageero milatari oo la xiriira kooxda.
Warbixin ay Reuters hore u baahisay ayaa sheegtay in Itoobiya laga dhisay xero qarsoodi ah oo lagu tababarayo kumannaan dagaalyahan oo la xiriira RSF, taas oo ku taalla gobolka Benishangul-Gumuz ee Itoobiya, meel u dhow xuduudda Suudaan.
Warbixinta Reuters ayaa xustay in ilo kala duwan, oo ay ku jiraan saraakiil Itoobiyaan ah iyo diblomaasiyiin, ay sheegeen in Imaaraadka Carabta uu maalgeliyay dhismaha xerada, isla markaana uu taageero dhinaca tababarka iyo saadka ah ku lug lahaa. Reuters waxay sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin dhammaan eedeymaha ku saabsan doorka Imaaraadka.
Imaaraadka Carabta ayaa si adag u beeniyay eedeymaha ku saabsan inuu hub, maalgelin, tababar ama taageero milatari u fidiyo RSF, isagoo ku adkeystay inuusan qayb ka ahayn dagaalka Suudaan.
Warbixinnada ku saabsan taageerada Itoobiya iyo Imaaraadka ee RSF waa eedeymo iyo xog ay soo gudbiyeen ilo kala duwan; dhammaan faahfaahinta si madax-bannaan looma xaqiijin.
Kulanka dhexmaray Abiy Ahmed iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta ayaa ku soo beegmay xilli dagaalka Suudaan uu noqday mid ay saameyn ku leeyihiin danaha iyo loollanka siyaasadeed ee dalal badan oo gobolka iyo caalamka ah.
Imaaraadka ayaa lagu eedeeyay inuu taageero u fidiyo RSF, halka Itoobiya ay wajahaysay eedeymo la xiriira in gudaha dalkeeda ay ka jiraan dhaqdhaqaaqyo lagu taageerayo kooxda. Inkastoo labada dowladood ay diideen ama ka jawaabeen eedeymaha qaarkood, haddana isku beeganka kulanka diblomaasiyadeed iyo ku dhawaaqista dhexdhexaadinta ayaa sare u qaaday shakiga ku saabsan waxa ay labada dal ka doonayaan siyaasadda Suudaan.
Dadka la socda arrimaha gobolka ayaa u arki kara dhexdhexaadinta Itoobiya fursad diblomaasiyadeed, balse waxaa sidoo kale jira su’aalo ku saabsan sida ay Itoobiya u xaqiijin karto dhexdhexaadnimo haddii eedeymaha taageerada RSF ay sii socdaan.
Dagaalka Suudaan ayaa billowday Abriil 2023, kaddib markii khilaaf xooggan uu dhexmaray ciidamada dowladda Suudaan iyo RSF, kaas oo la xiriiray awoodda dalka, qaab-dhismeedka ciidamada iyo qorshaha lagu mideyn lahaa ciidamada milatari.
Colaadda ayaa sababatay dhimasho badan, barakac ballaaran iyo burbur ku yimid adeegyada muhiimka ah ee dalka, iyadoo Suudaan ay wajahdo xaalad bani’aadannimo oo aad u daran.
Dhinaca kale, waxaa jira warar sheegaya in ciidamada dowladda Suudaan ay horumar ka sameeyeen dagaalka, isla markaana qaar ka mid ah saraakiisha iyo dagaalyahannada RSF ay isa soo dhiibayaan. Horumarka noocaas ah, haddii uu sii socdo, wuxuu saameyn ku yeelan karaa awoodda RSF iyo wadahadallada siyaasadeed ee mustaqbalka.

