Adis Ababa (KAAB TV) –Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya ayaa maanta lagu wadaa in ay daah furto biyo xireenka weyn ee Itoobiya (GERD) oo si weyn looga doodayo, mashruucaas oo ay ku baxayso balaayiin dollar, kaasoo udub dhexaad u ahaa khilaafka u dhaxeeya Masar iyo Masar.
Biyo xireenkan oo dhismihiisa lagu qiyaasay in ka badan 5 bilyan oo dollar, ayaa dhaliyay sanado badan xiisado diblomaasiyadeed iyo mid siyaasadeed, iyadoo Qaahira ay ka digtay in uu halis ku yahay nolosheeda — wabiga Niil. Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya, waxay ku adkaysanaysaa in mashruucani uu lama huraan u yahay daboolidda baahideeda tamarta ee sii kordheysa iyo xoojinta horumarka dhaqaalaha.
Daah-furka shirkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo madax badan oo Afrikaan ah ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, halkaasoo ay ka socdaan shirar caalami ah. Xubnaha la xaqiijiyay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Kenya William Ruto, halka ka qeybgalka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle – oo labaduba saaxiibo dhow la ah Masar – ay weli isha ku hayaan.
Dowladda Masar ayaa horay ugu hanjabtay inay qaadi doonto tallaabo milateri oo lagu joojinayo mashruucan, iyadoo ku tilmaantay mid khatar toos ah ku ah ammaanka biyaha. Addis Ababa, ayaa ku gacan seyrtay digniinahaas, waxayna ku nuuxnuuxsatay in Itoobiya aan la cabsi gelin doonin, mashruucana uu gabi ahaanba ku dhacayo xuquuqdeeda madaxbanaanida.
GERD waxa uu dhismihiisa socday in ka badan 10 sano, waxaana uu ahaa mid iftiimaya xidhiidhka Itoobiya, Masar iyo Suudaan. Xeeldheerayaasha ayaa sheegaya in caleema saarka maanta ay noqon karto guul taariikhi ah oo ay Itoobiya gaartay ama ay sare u qaadi karto xiisadda gobolka haddii aan wax tanaasul ah laga gaarin qeybsiga biyaha.

