Itoobiya oo qabatay 82 Xubnood oo ISIS ah

|

Muqdisho (KAAB TV) – Itoobiya ayaa qabatay 82 xubnood oo ka tirsan kooxda isku magacawday Dowladda Islaamiga ee ISIS.

Hay’adda Sirdoonka iyo Amniga Qaranka Itoobiya (NISS) ayaa shaacisay in la qabtay 82 xubnood oo ka tirsan kooxda argagixisada ah ee ISIS (Daacish), kuwaas oo lagu eedeeyay in ay qorsheynayeen weerarro qaraxyo ah iyo xasilooni-darro ay ka fulin rabeen gudaha dalka Itoobiya.

Sida lagu sheegay warbixinta NISS, xubnahan ayaa la sheegay in ay ka tirsan yihiin faraca ISIS ee ka hawlgala maamulka Puntland ee Soomaaliya, islamarkaana ay tababaro ku soo qaateen halkaas, ka hor inta aan loo dirin magaalooyin kala duwan oo Itoobiya ah.

Ujeedadoodu waxay ahayd in ay ballaariyaan shabakadda ISIS gudaha Itoobiya, ayna dhisaan saldhigyo qarsoon si ay uga abaabulaan xubno cusub oo argagixiso ah.

Hay’addu waxay intaa ku dartay in la helay xog iyo caddeymo cad, kuwaas oo muujinaya xiriirka ay xubnahan la leeyihiin shabakado caalami ah oo dhanka sirdoonka, maaliyadda iyo saadka taageera.

Goobaha lagu qabtay xubnahan waxaa ka mid ah: Addis Ababa, Sheger, Adama, Shashamane, Harar, Bale, Jimma, Shaakiso, Jigjiga, Shawe, Silte, Halaba, Qulito iyo Kamise.

Hay’adaha amniga ayaa sheegaya in baaritaanno dheeraad ah socdaan, islamarkaana tallaabo laga qaadi doono cid kasta oo la ogaado in ay xiriir la leedahay kooxahaasi.

Qabqabashada kooxda Daacish ee gudaha Itoobiya ayaa timid ka dib markii saraakiisha amaanka Itoobiya ay dhowaan sheegeen khatar ammaan oo kaga iman karta dhanka Soomaaliya.

Taliyaha guud ee ciidamada difaaca Itoobiya, Field Marshal Berhanu Jula, ayaa bishii lasoo dhaafay ee June u sheegay baarlamaanka dalkiisa in Ethiopia ay halis amni oo weyn kaga imaan karto xoogag uu ku tilmaamay inay si weyn isugu urursadeen gudaha Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News