Itoobiya oo qarka u saaran inay Somaliland u aqoonsato dal madax-bannaan

|

NAIROBI, Kenya (Kaab TV) – Itoobiya ayaa ka fiirsanaysa inay Somaliland u aqoonsato dal madax-bannaan, sida ay sheegeen ilo-diblomaasiyadeed.

Tallaabadani waxay daba joogtaa saxiixii Is-afgaradka (MOU) bishii Jannaayo 2024, kaasoo Itoobiya u ogolaanaya inay fariisin ciidanka badda ka dhisato Badda Cas.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta Somaliland, heshiiskan ayaa dhigaya in Addis Ababa ay si rasmi ah u aqoonsato Somaliland oo ku dhawaaqday inay ka goโ€™day Soomaaliya sannadkii 1991-kii.

Tarekegn Bululta, wasiiru dowlaha warshadaha ee Itoobiya, ayaa rajo ka muujiyay aqoonsiga suurtagalka ah.

“Kalsooni ayaan ku qabaa taas sidoo kale. Itoobiya ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee Somaliland u aqoonsata dal madaxbanaan. Isbahaysigeena dhaqaale iyo ciidanba wuu raaci doonaa,โ€ ayuu yidhi.

Warkan ayaa ku soo beegmaya iyada oo ay warar ay isla dhex marayaan bahda dublamaasiyadu sheegayaan in Itoobiya ay qarka u saaran tahay inay si rasmi ah u aqoonsato madax-bannaanida Somaliland.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa isna ka hadlay waxa uu filayo. โ€œWaxaan filayaa in Addis Ababa ay aqoonsi buuxa siin doonto Somaliland,โ€ ayuu yidhi.

Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Muqdisho ayaa tan iyo markii heshiiska MOU-da la saxiixay Addis Ababa waxaa ka dhexeeyay khilaaf, waxaana tan iyo bishii April uu xumaaday xiriirka labada dhinac.

Iyada oo ay taasi jirto, Itoobiya waxa ay sii waddaa xidhiidhka ay la leedahay Puntland iyo Somaliland, waxayna sii waddaa ka qayb qaadashada dadaallada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS).

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News