SO | EN

SO | EN

Itoobiya oo Somaliland kala hadashay amniga Badda Cas

|

Jabbuuti (KAAB TV) -Madaxweynaha Somalilanad, Cabdiraxmaan Cirro ayaa la kulmay Diblumaasiyiinta Safaaradda Itoobiya ee dalka Jabbuuti, xilli dhawaan uu safar ku tagey dalkaasi.

Madaxweyne Cirro ayaa la kulmay Diblumaasiyiinta  uu hoggaaminayo Danjire Ku-xigeenka Itoobiya u fadhiya Jabbuuti, Kebede Abera Ido, isaga oo kala hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga Badda Cas iyo marinada Ganacsiga.

Danjire Ku-xigeenka Itoobiya ee Safaaradda Jabbuuti ayaa sheegay in ay xoojinayaan xiriirka diblumaasiyadeed ee Somaliland iyo Itoobiya gaar ahaan iskaashiga Amniga iyo Ganacsiga.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli dhawaan Itoobiya ay ka laabatay heshiis muran badan dhaliyay oo 1 bishii Janaayo ee sannadkii 2024 la gashay Maamulka Somaliland, kaasi oo ay sheegtay in bad looga kireeyay.

Itoobiya ayaa muddo dheer raadineysa bad ay hesho, si ay ugu soo marto badeecada uga timaada dalalka Caalamka.

Madaxweyne Cirro ayaa 18kii May ku dhawaaqay in Somaliland ay sii xoojineyso xiriirkeeda Itoobiya, Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaa sidoo kale la filayaa inuu madaxweynuhu safar ku tagi doono Itoobiya dhowaan.

Tan iyo wixii ka danbeeyay booqashadii uu Ra’isul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ku tagay Laascaanood, waxay Somaliland hakisay wada hadalladii ay la lahayd dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo ku eedeysay inay dowladda Soomaaliya waddo daan-daansi ka dhan ah Somaliland.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa horey u diidaneyd heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ee dhanka badda.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News