SO | EN

SO | EN

Itoobiya oo yeelatay wasiir dibadeed cusub iyo taliyihii sirdoonka oo noqday ku xigeenka Abiy

|

ADDIS ABABA (KAAB TV) – Dowladda Itoobiya ayaa saaka yeelatay wasiir cusub oo arrimo dibadeed iyo ku xigeenka ra’isul wasaaraha dalkaasi.

Kulan ay yeesheen saaka oo Khamiis ah Golaha Shacabka ee barlamaanka Itoobiya ayay ugu magacaabeen Ambasador Taye Atske Selassie inuu noqdo wasiirka arrimaha dibadda.

Danjire Taye ayaa ahaa danjirihii Itoobiya u joogay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York.

Dhinaca kale, Temesgen Tiruneh oo ahaa talihii sirdoonka Itoobiya ayaa loo magacaabay ku xigeenka Ra’isul Wasaare Abiy Axmed.

Wuxuu bedelay Demeke Mekonnen oo toddobaadkii hore loo wareejiyay taliyaha sirdoonka Itoobiya. Labada nin ayaa ka yimaada qowmiyadda Amxaarada.

Isbeddelka xilalka muhiimka ee ka dhacay dalka Itoobiya ayaa imaanaya iyadoo dowladda Abiy ay wajaheyso xaalado dhaqaale darri iyo khilaafaad hubeysan oo hareeyay dalka intiisa badan.

Dhanka kale, waxaa weli taagan khilaafka Itoobiya kala dhexeeya Soomaaliya ee ka dhashay heshiiskii muranka dhaliyay ee Ra’isul Wasaare Abiy uu la saxiixday Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News