Kismaayo (KAAB ) Ciidamada Itoobiya ayaa lagu soo waramayaa in ay baneeyeen xero ciidan oo ku taala deegaanada gobolada Jubooyinka ee maamulka Jubbaland.
Ciidankan ayaa qayb ka ahaa howlgalka ATMIS ee midowga Afrika oo markii hore la oran jiray AMISOM.
Wasiirka Amniga Jubbaland Gen. Yuusuf Xuseen Cismaan Dhuumaal oo uu weheliyo Taliyaha Qaybta 43-aad Gen Cali Maxamed Maxamuud Bagmadow ayaa Ciidanka ATMIS kala wareegay Xerada ma dhamaato ee duleedka Magaalada Kismaayo.
Xeradaan ma dhamaato oo sanooyin badan ay ku sugnaayeen ciidanka ATMIS ee ka socda Itoobiya ayaa waxaa wareejiyay Taliyaha Qeybta Lixaad ee ATMIS Gen. Lucas Kutto.
Howlgalka ATMIS ayaa sheegay in ay baneeyn doono meelo badan oo dalka ah halkaas oo ay ka wadeen howlgalo ay ku doonayaan in lagaga adkaato kooxda Al- Shabaab.
Hore ciidanka waxa ay u baneeyeen deegaano dhawr ah oo dalka ah halkaas oo ay la wareegeen ciidanka xoogga dalka .