SO | EN

Jaamacadda Carabta oo markale ku celisay in la dhowro “Madaxbannaanida & Wadajirka Soomaaliya”.

|

Muqdisho (kaab tv ) – Xoghayaha guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Axmed Abul-Qayd oo kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markale ku celiyay in ay garab-taagan yihiin ilaalinta Madaxbannaanida & wadajirka Soomaaliya.

Axmed ayaa tilmaamay in Dal weliba uu waajib ku yahay ilaalinta Dalka kale taasina ay tahay axdiga lagu dhisay Qaramada Midoobay iyo Ururrada kale ee Caalamiga ah sidaas awgeed loo baahan yahay in laga hortago xadgudub weliba oo sababi kara xiisad.

Xoghaye Abul-Qayd ayaa shaaciyay in xalka keliya ee lagu dhammayn karo muranka ama xiisadaha taagan uu yahay in la wadahadlo iyada oo dhinac weliba uu dhanka kale xushmad & qadarin u muujinaya waa sida uu yiri.

Xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay Soomaaliya waxaa ka dhiidhiyay Ururro, Dowlado & dhinacyo kala duwan oo dhammaantood hoosta ka xariiqay in ay lama-taabtaan tahay ilaalinta madaxbannaanida & wadajirka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa horay u sheegay in haddii Itoobiya ay qaaddo tallaabo ka dhan ah Soomaaliya in Iyana loo qaadayo labo, saddex ama afar taako si looga falceliyo xadgudubka ay samaynayso.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News