Customize Consent Preferences

We use cookies to help you navigate efficiently and perform certain functions. You will find detailed information about all cookies under each consent category below.

The cookies that are categorized as "Necessary" are stored on your browser as they are essential for enabling the basic functionalities of the site. ... 

Always Active

Necessary cookies are required to enable the basic features of this site, such as providing secure log-in or adjusting your consent preferences. These cookies do not store any personally identifiable data.

No cookies to display.

Functional cookies help perform certain functionalities like sharing the content of the website on social media platforms, collecting feedback, and other third-party features.

No cookies to display.

Analytical cookies are used to understand how visitors interact with the website. These cookies help provide information on metrics such as the number of visitors, bounce rate, traffic source, etc.

No cookies to display.

Performance cookies are used to understand and analyze the key performance indexes of the website which helps in delivering a better user experience for the visitors.

No cookies to display.

Advertisement cookies are used to provide visitors with customized advertisements based on the pages you visited previously and to analyze the effectiveness of the ad campaigns.

No cookies to display.

SO | EN

Jawaabta Puntland ee dagaalka ka qarxay Laascaanood

|

Garoowe (Kaab TV) Dowlad-goboleedka Puntland ayaa si kulul u cambaareeyay dagaalka maanta ka qarxay Laascaanood, kaasi oo u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa dadka deegaanka.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Karaash oo farriin u diray beesha caalamka iyo bulshada Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in waxa ka socda Laascaanood aan indhaha laga qarsan karin, uuna masuuliyadeeda qaadayo maamulka Muuse Biixi.

Waxaan bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkaba u cadaynaynaa in dadka shacabka ah ee la Xasuuqayo iyaga oo Masiirkooda ka tashanaya aanay ahayn wax indhaha laga qarsan karo masuuliyada wixii halkaas ka dhacana uu qaadayo maamulkaas,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu caddeeyay mowqifka Puntland ee ku aadan go’aamadii kasoo baxay Isimada dhaqanka iyo waxgaradka kale ee deegaanada SSC, isaga oo sheegay in ay ku garab taagan yihiin ka maamul ahaan.

Aniga oo ku hadlaya magacayga, kan Goleyaasha dowladda iyo kan Shacabweynaha reer Puntland waxaan si buuxda u soo dhoweynaynaa go’aamada Masiiriga ah. Sida aynu wada ognahay bulshada deegaanadaas waxay daris la noqdeen xasuuq iyo barakac joogto ah oo uu ku hayo maamulka Somaliland oo isagu doonaya inuu cabudhin iyo caga juglayn ku maamulo.”

Waxa kale oo uu yiri “Taas oo ay u dambaysay weerarka saaka bilowday ee ilaa hada socda laguna beegsanayo dadka Shacabka ah ee halkaas ku nool, iyada oo looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo go’aamada ay gaadheen dadka deegaanku, Eebbe ha unaxariisto inta ku shahiiday inta dhaawaca ahna ha u booga dhayo.

Iska hor-imaadka Laascaanood ayaa waxaa ka dhashay khasaare kala duwan, waxaana illaa hadda la xaqiijiyay inay ku dhinteen 13 qof, halka 40 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dhaawacyada ayaa waxa ay u badan yihiin dad shacab ah oo ay xabaduhu ugu tageen suuqa, sida uu sheegay agaasimaha guud ee isbitaalka Laacaanood.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday, ayada oo odayaasha iyo waxgaradka SSC ay soo saareen go’aanno culus oo ka dhan ah Somaliland, kuwaasi oo ay ku sheegeen inay si toos ah u hoostagaan dowladda federaalka Soomaaliya ayna u taagan yihiin midnimo.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News