Muqdisho (Kaab TV) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galabta yeeshay kulan aan caadi ahayn, ayaa lagu ansixiyey magacaabidda Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay, General Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, kaddib soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow, ayaa horey u soo qabtay xilal ciidan oo kala duwan oo ay kamid yihiin Taliyaha Ilaalada Ciidanka Xoogga dalka ee Madaxtooyada.
Kulanka oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey Hindise Sharciyeedka Xafiiska Hanti-Dhowrka Guud ee Dowladda, Xeerka Dhismaha Xarunta Tubsan, Xeer Nidaamiyaha Ruqsadda Korontada, Xeer Nidaamiyaha Tariifada Adeegga Korontada iyo Qaraar ku saabsan Qorista Shaqaalaha Dowladda.
Hasa ahaatee, Jeneral Ibraahim Sheekh Muxyadiin Caddoow oo loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa bedelaya Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage oo ahaa Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.
Ma cadda sababta xilka looga qaaday Odowaa oo taliyaha ciidanka xoogga dalka soo ahaa tan iyo 2019.
Xil ka qaadista Odowaa ayaa imaneysa maalin kadib markii sidoo kale xilka laga qaaday guddoomiyihii gobolka Hiiraan Cali Cusmaan Jeyte, oo isna hormuud u ahaa dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Tallaabadan ayaa kusoo aadeyso ayadoo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo bil ah qaadin wax howlgal ah oo ka dhan ah kooxda.