SO | EN

SO | EN

Jen Indha Qarshe “Wasiirka Gaashaandhigga loogama baahna furimaha dagaalka”

|

MUQDISHO (KAAB TV) – Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa maalmihii lasoo dhaafay kusugnaa furimaha hore ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, si uu ugu qeyb qaato hoggaaminta dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Sidoo kale, Taliyihii hore ee ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Indha qarshe oo tafaasiil dheer kabixiyay dagaalka ka dhanka Al-Shabaab ayaa sicad usheegay in Wasiirka Gaashaandhiga aan looga baahneyn furimaha hore ee dagaalka, waxa uu intaasi raaciyay ineysan doorkiisa eheyn in uu furimaha hore ee dagaalka uu kusugnaado Wasiirka.

Dhanka kale, Jeneraalkan labo mar soo noqday taliyaha ciidanka xoogga dalka qibrad badana u leh hoggaaminta dagaalka ayaa sheegay si looga adkaado kooxda Al Shabaab loo baahan yahay in dagaalka loo howlgaliyo saraakiisha taqaan deegaannada howlgalku ka socdo.

Hadalkan Jeneraal Indha Qarshe ayaa kusoo aadaya xilli wasiirka gaashaandhigga muddo bil ka badan ka maqan yahay xarunta wasaaradda uuna joogo furumaha hore ee dagaalka , si uu u hoggaamiyo howlgalka ka dhanka ah kooxda Al Shabaab.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News