Muqdisho (Kaab TV) – Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta wasaaradda gaashaandhigga ayaa xilka waxaa ku wareejiyay taliyihii hore ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage, oo dhawwaan xil ka qaadis lagu sameeyay.
Wasiirka Gaashandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa xilalka u kala wareejiyey taliyaha cusub ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin iyo taliyihii hore ee ciidanka Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage.
Sidoo kale taliyihii hore ee ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa isna wasaaradda gaashaandhigga xilka kula wareejiyey taliyaha cusub ee ciidanka dhulka Jeneraal Axmed Aadan Cali.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa u mahad-celiyay taliyaashii hore ee maanta xilka wareejiyay, waxa uuna kula dar-daarmay taliyaasha cusub in looga fadhiyo shaqo adag ay ugu horeyso dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.
Labada taliye ee xilka wareejiyay Odowaa iyo Biixi oo hadallo ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay inay la shaqeeyaan taliyeyaasha lasoo magacaabay, si horey loogu socdo.
Isbeddalka ayaa kusoo aadaayo ayadoo uu hakad galay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Al-Shabaab, oo aysan dowladda muddo bil ah qaadin wax howlgal ah oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab.