Garoowe ( KAAB ) Dhaq dhaqaaq siyaasadeed oo la xiriira doorashada madaxtinimada ayaa ka socda magaalooyin ka mid ah maamul goboleedka Puntland.
Ololahan ayaa xoogaystay ka dib markii la shaaciyay sharuudaha iyo habraaca doorashasa Madaxwaynaha iyo Madaxwayne ku xigeenka Puntland , maadama waqtiga la galayo ay dhaw dahay.
Maanta oo Jimca ah Madaxweynaha waqtigu ka sii dhammaanayo ee Puntland, Siciid Cabdullahi Deni ayaa la kulmay Golaha Wakiilada ee cusub.
Kulanka ayaa ahaa mid qado sharaf ah oo uu Siciid Deni qasriga Madaxtooyada ugu sameeyey xildhibaanada iyo Guddoonkooda.
Dhankooda musharaxiinta madaxtinimada maamulka Puntland ayaa wada Olole ay ku doonayaan in au ku kasbadaan xubnaha Barlamaanka Puntland ee dhawaan la soo xulay.
Maalinta Isniinta ah ee soo socota ayaa la dooran doona Madaxweynaha iyo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland ee shanta sano ee soo socota.
In muddo ah doorashada Puntland waxaa ka jiray khilaafaadyo oo sababay xitaa in waddooyin ka mid ah magaalada Garoowe , walina waxaa jira muranka doorashada inkastoo uusan ahayn sidii hore.