KISMAAYO (KAAB TV) – Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa soo saartay digniin rasmi ah oo dadka loo dirayo taasoo ku aaddan dabaylo xooggan oo laga cabsi qabo in ay ku dhuftaan qeybo kamid ah Deegaanada Jubaland maalmaha soo socda.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Degaanka ee Dowlad Goboleedka Jubaland ayaa lagu sheegay Digniintaan ah in dabaylahaasi ay noqon karaan kuwo sababa khasaare hantiyadeed iyo mid nafeed haddii aan taxadar la muujin.
Wasaaraddu waxay sheegtay in dabaylahaasi ay la socdaan roobab xoog leh iyo hirar dhaadheer oo saameyn kara magaalooyinka Kismaayo, Badhaadhe, iyo deegaanada kuteedsan Xeebaha.
Sidoo kale waxa ay Wasaaraddu ugu baaqday dhammaan shacabka Jubaland, gaar ahaan dadka ku nool agagaarka xeebaha iyo kalluumeysatada, in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ay raacaan tilmaamaha iyo talooyinka ay bixinayaan wasaaradda iyo Maamulada Degmooyinka.
Ugu dambeyn waxa ay wasaaradda kula talisay in aan la gelin badda inta ay socoto xaaladda cimilada ee halista ah, ayna ka fogaadaan meelaha ay suuragalka tahay in daadad ama dabaylo waxyeello ka geystaan.
Digniintaan ay soo saartay Jubaland ayaa timid saacado kadib markii Wasaaradda Kalluumeysiga Soomaaliya ay soo saartay digniinta ku saabsan in laguda galay xilliyadii ay baddu kacsaneed.