Jubaland oo xustay Maalinta Biyaha Adduunka xilli abaaro saameyn ku yeeshay 1.5 milyan oo qof

|

KISMAAYO (Kaab TV) – Dowladda Jubaland ayaa xustay Maalinta Biyaha Adduunka xilli abaaro saameyn ku yeeshay 1.5 milyan oo qof oo ku nool gobolka.

Munaasabadda waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin uu horkacayo Wasiirka Biyaha Jubaland, Axmed Xuseen Baraki, oo sheegay in meelo qaar biyaha loo keenayo gaadiidka ilaa 90 km si loogu gaarsiiyo bulshooyinka ay abaaruhu saameeyeen.

“Si loo helo ilo biyo oo waara dhammaan bulshooyinka waxay qaadan doontaa waqti waxayna u baahan tahay maalgashi,” ayuu yiri.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News