SO | EN

SO | EN

Jubbaland oo jawaab yaab culus ka bixisay diyaaraddii laga soo celiyay Gedo

|

Kismaayo (Kaab TV) – Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan oo wareysi cusub bixiyay ayaa war  kasoo saaray is hortaaggii shalay lagu sameeyay diyaaraddii sidday guddoomiyaha cusub ee  gobolka Gedo, kadib markii laga soo celiyay garoonka diyaaradaha degmada Garbahaarey.

“Maanta diyaaraddii baxday gacankii laga hagayay ayaa la damiyay ama ka damay oo batari la’aan ayaa ku dhacday, marka diyaaraddii marka ay weysay xiriir garoonka ah ayay dib u noqotay” ayuu wareysiga ku yiri madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland.

“Siyaasiyiinta roolkooda waa inoo ahaado isbeddalka Jubbaland oo ay raadinayaan, haddii uu xilliga dhammaado doorasho ayaan qabaneynaa waa inay tartamaan, laakiin isbaaro inay gobolkaas dhigtaan oo ummadda gobolka lug gooyaan wax macno ah oo ay sameneyso ma jirto” ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in guddoomiyaha cusub ee Gedo, Cabdullaahi Cabdi Jaamac  tegi doono Garbahaarey, ayna diyaar u yihiin bulshada deegaanka.

“Guddoomiyaha wa tegaa, bulshada dadka deegaanka, waxgaradka iyo maamulka heer degmo iyo heer gobol diyaar ayay u ahaayeen” ayuu sii raaciyay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News