SO | EN

SO | EN

Jubbaland oo si adag uga jawaabtay hadalkii kasoo yeeray Siciid Deni

|

Kismaayo (Kaab TV) – Maamulka Jubbaland ayaa ka jawaabay hadal dhawaan kasoo soo baxay madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo ka deyriyay xiisadda gobolka Gedo, oo uu sheegay in lagu qasbayo maamul aysan rabin.

Siciid Deni ayaa sheegay in walwal ay ku heyso xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan xasilooni darrada kajirto gobolkaasi, oo isku hayaan maamulka Jubbaland iyo siyaasiyiinta gobolka.

Madaxweynaha Puntland oo nasiib darro ku tilmaamay in dadka gobolka Gedo lagu caburiyo wax aysan rabin, ayaa waxa uu tilmaamay in Jubbaland dib-u-heshiisiin dhameystiran loo sameeyo, islamarkaana xiisada ka taagan gobolkaasi aan xabad iyo caburin loo adeegsan.

Guddoomiye ku-xigeenka maamulka cusub ee gobolka Gedo Cusmaan Xaaji Nuur oo dhawaan u magacaabay madaxweynaha Jubbaland ayaa hadalka kasoo yeeray Saciid Deni ku tilmaamay mid uu taageero kaga raadinaayo shacabka gobolka Gedo.

“Madaxwey Siciid Deni markii siyaasadiisa ay isaga ka hor yimaadeen dowladda Fedaraalka iyo dowlad-goboleedka Jubbaland ayuu taageero kaga raadsanaya shacabka gobolka Gedo,” ayuu yiri Cusmaan Xaaji Nuur oo ah guddoomiye kuxigeenka cususb ee loo magacaabay gobolka Gedo.

“Wax dhib ah oo ka jira gobolka Gedo ma lahan Dadka Reer Geddo wax aysan rabin meeshan ma yaalaan, dowlad-goboleedka Jubbaland ayey hoostagaan.”

Cusmaan Xaaji Nuur ayaa siyaasiyiinta gobolka Gedo ku eedeeyay in ey yihiin kuwo Jubbaland kuwo horey xilal kala duwan uga soo qabtay hadana ey iyaga fowdada ku wadaa gobolka Gedo sid uu hadalka udhigay.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News