Kismaayo (Kaab TV)– War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen madaxweyne ku xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo xubnaha golaha wasiirrada Jubbaland ee ka soo jeeda gobolka Gedo ayaa looga hadlay xiisadaha siyaasadeed ee ka soo cusboonaaday gobolkaas.
Maxamed Ibraahim Oogle oo ah wasiirka arrimaha gudaha Jubbaland oo bayaanka ka soo baxay Warbaahinta dowladda Jubbaland u akhriyey ayaa sheegay in maamulkaasi uu ka walaacsan yahay hadallada xanafta leh ee ka soo yeera siyaasiyiinta maamusha gobolka Gedo oo diidan maamulka uu hoggaamiyo Axmed Madoobe.
Wuxuu yiri “Shaqsiyaadka hadlay waxay ka been sheegeen xaaladda ka jirta gobolka Gedo, waxaa gobolkaas Jubbaland ku metela 26 xildhibaan, 17 wasiir iyo maxaxweyne ku xigeenka koowaad, halka dowladda dhexe ay ku metelaan 16 xildhibaan iyo laba senator,” ayaa lagu yiri bayaanka.
“Shaqsiyaadka ka faa’iideystay faro-gelintii Farmaajo ee ku howlan inay Gedo ku gaaraan danahooda shakhsiga ah, waxaan u cadeyneynaa in maanta kadib aysan masuuliyadi ka saareyn gobolkaas oo wax dambe aan laga weydii doonin adduun iyo aakhiraba,” ayaa lagu yiri bayaanka cusub ee ka soo baxay Jubbaland.
Xiisadda ayaa marba marka kadambeyso kor usii keceyso tan iyo markii uu talada banneeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxayna xiisadda gobolkaasi hadba heer soo gaaraysay mudadii sanadka aheyd ee Xasan Sheekh uu xukunka joogay.