MUQDISHO (KAAB TV) – Tallaabo muhiim ah oo loo qaaday wax ka qabashada dhibaatooyinka biyaha caalamiga ah, Soomaaliya waxay si firfircoon uga qaybgashay shirkii 10aad ee Madasha Biyaha Adduunka ee lagu qabtay Bali, Indonesia, intii u dhaxaysay May 18 ilaa May 24, 2024.
Madasha Biyaha Adduunka, oo dhacda saddexdii sanoba mar, waa dhacdada ugu weyn ee adduunka ee biyaha, taasoo isu keenta daneeyayaasha adduunka oo dhan si ay isaga kaashadaan horumarna uga sameeyaan caqabadaha biyaha caalamiga ah.
Daabacaadda 2024-ka ee Madasha Biyaha Adduunka, hal-ku-dheggiisu yahay “Biyaha Barwaaqada la wadaago,” waxaa si wadajir ah u soo qabanqaabiyay Dowladda Jamhuuriyadda Indonesia iyo Golaha Biyaha Adduunka. Madashu waxay siisay madal u gaar ah bulshada biyaha iyo go’aan-qaadayaasha muhiimka ah si ay uga wada shaqeeyaan horumarinta hufnaanta iyo isku-dhafka khayraadka biyaha.
Wafdiga Soomaaliya uga qeyb galay madasha ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta iyo Biyaha Maxamed Cabdullaahi, isagoo ku nuux-nuuxsaday sida ay dalka uga go’an tahay in la gaaro hadafka ah “Biyaha Barwaaqo Wadaag”. Sidoo kale waxaa madasha ka qeyb galay Senator Xuseen Maxamed Daahir oo soo bandhigay hindiseyaasha biyaha qaranka Soomaaliya. Waxqabadyadaas waxaa ka mid ah dhisidda ceelal cusub, dib-u-soo-celinta ilihii biyaha ee hore u jiray, iyo dejinta siyaasad dhammaystiran oo lagu maamulayo biyaha.
Intii uu socday madasha, Soomaaliya waxay wada-hadallo la yeelatay dalalkii kale ee ka qayb-galayay muhiimadda ay leedahay kheyraadka biyaha isaga gudba ee Geeska Afrika. Ka-qaybgalkani waxa uu ka tarjumayaa sida uu dalku ugu heelan yahay kobcinta iskaashiga gobolka ee maaraynta biyaha iyo wax ka qabashada caqabadaha biyo-la’aanta.
Shirkii 10-aad ee Madasha Biyaha Adduunka ayaa waxaa ka soo qeyb galay 30,000 oo qof oo ka kala socday 172 dal, iyadoo shirkan lagu soo bandhigay muhiimadda caalamiga ah ee arrimaha biyaha la xiriira iyo sida loogu baahan yahay in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo sugi lahaa amniga biyaha dhammaan. Iyadoo dunidu ay la daalaa dhacayso caqabadaha ka dhasha isbeddelka cimilada iyo korodhka dadwaynaha, ka qaybgalka Soomaaliya ee madasha ayaa muujinaysa sida ay uga go’an tahay in xal waara loo helo biyo-la’aanta iyo horumarinta amniga biyaha ee muwaadiniinteeda.
Gabagabadii, ka-qaybgalka firfircoon ee Soomaaliya ee Madasha 10-aad ee Biyaha Adduunka waxa ay hoosta ka xariiqday sida ay waddanku ugu heelan yihiin wax ka qabashada biyo-la’aanta iyo horumarinta maaraynta biyaha waara. Iyada oo la macaamilaysa ummadaha kale lana wadaagaysa hindisaheeda biyaha qaranka, Soomaaliya waxa ay ciyaaraysaa door muhiim ah dadaalka caalamiga ah ee lagu gaarayo “Biyaha Barwaaqada la Wadaago.”