SO | EN

SO | EN

Kaab TV oo lagu abaalmariyay tebinta Ciyaaraha Puntland

|

GAROWE (Kaab TV) – Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhallinyarada Dowladda Puntland ayaa ku abaalmarisay Kaab TV tebinta iyo falanqeynta joogtada ee ciyaaraha Koobka Gobollada Puntland oo lagu soo gabagabeeyay magaalada Garowe Talaadadii 30 December 2024.

Ciyaaraha oo socday 20 maalmood ayaa waxaa ka qeyb galay sagaal kooxood oo ka kala socday sagaalka gobolka ee Puntland.

Waxaana koobka horyaalka qaaday kooxda gobolka Nugaal.

Intii ay socotay ciyaarta, waxay wariyaasha Kaab TV si joogto ah u soo gudbinayeen wararka ciyaaraha oo xiise iyo xamaasad ba watay.

Gaba gabadii ciyaaraha ayaa waxaa munaasabad lagu maamuusayay dhammaan hawl-wadeenada ciyaaraha, guddiyada qaban-qaabada iyo saxaafadda lagu qabtay magaalada Garowe taasoo qabsoontay habeenkii xalay oo Arbaco ahayd.

Madaxweyne ku Xigeenka Puntland, Ilyaas Cismaan Lugatoor, ayaa guddoonsiiyay Kaab TV abaalmarinta oo ka kooban shahaado sharaf caddeyneysa hab tebintii wacneyd ee Wariyaha Kaab TV.

Wariyaha Kaab TV ee Garowe, Xaaji Ciise Barre, ayaana Kaab TV u guddoomiyay abaalmarinta.

Waxaan si kal iyo laab ah uga mahadcelineynaa abaalmarintan, waxaana ballan qaadeynaa inaan sii wadno dadaalkeenna joogtada ah si aan u soo gudbino sheekooyinka ka imanaya dhammaan gobollada Soomaaliya.

La Xiriira

Live Now

Baraheenna Bulshada

Baaritaanada

English News