MUQDISHO(KAAB TV) -Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Biixi Iimaan Cige oo kahor hadlay Golaha Shacabka Baarlamaanka 11aad ayaa sheegay in ay joogsatay kaalmadii ay heli jireen Ciidanka Kumaandooska ee DANAB.
Biixi Iimaan ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dusha u ridatay kharashka ku baxaya Ciidamadaan DANAB maadaama waajib uu ka saaran yahay, dibna loo dhigo kharash kale sida uu xeerka dhigayo.
Kaalmadii ay goysay Hay’adda Maraykanka u qaabilsan taakulada Dibadda ee USAID ayuu sheegay in uu culeys badan ka dhashay loona baahan yahay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed uga tashtaan si ay isaga tiiriyaan culeyskaas.
“Culaysyada tooska ah ee Maaliyad ahaan noo saameeyay waxaa kamid ah kaalmadii ay heli jireen ciidamadeennu DANAB & Hay’adaha Maaliyadda sida Xarunta Warbixinta Maaliyadda ayaa dhammaantood istaagay, waajib ayay ku noqotay Dowladda in ay dhabarka ku ridato, waxaa ka dhalan doonna culays badan oo u baahan in Dowladda Soomaaliyeed & Dadkeeda isku tashadaan,” Wasiirka Maaliyadda XFS Biixi Iimaan Cige.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa Bishii Janaayo dhammaadkeeda ku dhawaaqay in uu joojiyay kaalmadii dibadda ee dalkiisa uga bixi jirtay ballaayiinta Doollar, waddamada arrintaan saamaynta taban ku reebtay waxaa kamid ah Soomaaliya.
Maraykanka ayaa si gaar ah u tababara una qabaleeya Ciidamada kumaandooska DANAB, waxa uu bixin jiray mushaarkooda balse hadda waxaa istaagay lacagtii uga imaaneysay Xukuumadda Washington iyada oo laga sugayo in ay booskaas buuxiso Dowladda Federaalka.